Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir โCukuseโ ayaa Maanta faah-faahin ka bixiyey gudidii Wasiirada ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Magacaabay qaban qaabada iyo diyaar garowga wada hadalada ay Somaliland la yeelan doonto Somalia.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu tilmaamay in Gudidani ย yihiin kuwo farsamo oo diyaarin doona ajandaha iyo qaabka wada hadaladu u dhici doonaan waxa uu Afhayeenku cadeeyay in Shantan Wasiir aanay ahayn Gudida rasmiga ah ee Somaliland u meteli doona wada hadaladaas,waxaanu intaas ku daray in inta ka horaysa Xilliga ay wada hadaladani furmayaan laga yeelan doono Talo qaran taas oo lagu Goโaamin doono Cida Somaliland uga qayb galaysa .
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir โCukuseโ waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud โSiilaanyoโ isagoo ka duulaya Goโaamadii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee lagaga hadalay arrimaha Somalia ee 23-kii bishii feberweri ย ย ka Qabsoomay dalka Ingiriiska isla markaana fulinaya intii ka khusaysay Somaliland uu Goโaansaday inuu magacaabo Shan Wasiir oo qaban qaabin doona qaabka ay Wada hadaladu u dhacayaan.
Mudane C.laahi Cukuse wuxuu farta ku fiiqay in beesha caalamku ay ku talisay in Somaliland iyo Somalia ay isla meel dhigaan Xidhiidhkooda Mustaqbalku sida uu noqonayo waxaanu xuay inay fursad muhiim ah u tahay inay Somaliland hesho aqoonsi buuxa,waxaa kale oo Afhayeenka Madaxtooyadu intaas raaciyay in gudidani ay ka qayb gali doonaan shir ka dhici doona Magaalada London kaas oo lagu sii ambo qaadayo dhamaystirka Goโaamadaasi.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C.laahi Maxamed Daahir โCukuseโ waxa uu hadalkiisa ku sheegay in Xukuumada Somaliland ay meel wanaagsan wax marinayso isla markaana uu majaraha u hayo hogaamiye ruug cadaa ah oo dalka iyo dadkaba wax badan u soo qabtay ilaa iminkana u dabran u adeegista ummadiisa.
SLpost News
Hargeysa, Somaliland