Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sababaha warbaahinta looga horjoogsado inay suβaalo weydiiyaan madaxweyne Siilaanyho cudur-daar uga dhigay nidaam xumo ka dhex-jirta Saxaafadda iyo Suxufiyiinta.
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu ku dooday inaanay suxufiyiinta ka xaadira goobaha madaxweynuhu shirka jaraaβid ku qabto aanay u diyaarsanayn nidaamka suβaalo weydiinta isla markaana aanay iyagu, (Suxufiyiinta) aanay isa siinin fursad mid waliba suβaashiisa ku weydiiyo. Waxa kale oo uu ku sababeeyey inay suxufiyiintu tirada ka bateen, taasina ay muujinayso inaanu madaxweynuhu awoodi karin inuu ka jawaabo dhammaan suβaalaha wariyeyaasha marka laga yimaaddo nidaam-darrada uu wariyeyaasha ku dhaliilay, haddiiba ay suurto-gasho suβaalo la weydiiyo madaxweynaha.
Mr Dhuxul oo shalay Kaadhka Muwaadinka ka qaadanayey Xarunta hayβadda shaqaalaha oo si tijaabo ah looga bilaabay Diiwaangelinta Madaniga ah isla markaana ay isdiiwaangeliyeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo madaxweyne Siilaanyo u horreeyey, ayaa wariyeyaashu wax ka weydiisay sababta uu Afhayeen ahaan u hor-istaago suβaalo la weydiiyo madaxweynaha xilliyada uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu dib ugu soo laabto, maadaama oo aanay jirin goobo kale oo madaxweynaha ay isku arkaan saxaafadda.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu weydiintaas kaga jawaabay aflagaaddo iyo meel-ka-dhac uu warbaahinta ugu sibir-saaray sababaha looga horjoogsaday in madaxweynaha wax laga weydiiyo hadba xaaladda siyaasadeed iyo nabadgelyo ee dalku marayo.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilliyada uu dalka ka dhoofayo iyo wakhtiyaga uu dalka ku soo laabto, waxa uu shir-jaraaβid oo Qofka nashada Madaarka Hargeysa lagu qabto kaga hadlaa ujeeddada iyo natiijada socdaalkiisa, haseyeeshee suxufiyiinta goob-joogga ka ah shirkiisa jaraaβid looma ogolaado inay suβaalo ka weydiiyaan xaaladda dalka, marka laga reebo mid ama laba suxufi oo ka socda warbaahinta dawladda ama saxaafadda garab-saarka la leh Xukuumadda.
Dhinaca kale, Mr Dhuxul waxa la weydiiyey waxa uu ka leeyahay eedayn uu Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf todobaadkii hore u jeediyey.
HALKAN KA DAAWO
SOMALILANDPOST.NET