Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Cismaan Cabdilaahi Siciid (Cismaan-Dheere), ayaa tafaasiil ka bixiyey hawl-gal ciidamada Milatariga Somaliland saaka kula wareegeen gacan ku-haynta magaalada Taleex ee gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey shir lagu kala qaybsan yahay uga socday Odayaasha deegaanka iyo Kooxda la baxday Khaatumo.
Cismaan Cabdlaahi Siciid waxa uu sheegay in markii ay ciidamadu galeen magaalada soo-dhawayn ballaadhan kala kulmeen Odayaasha deegaanka, isla markaana aanay ugu tegin wax shir ah oo ka socda.
HALKAN KA DHEGAYSO
SOMALILANDPOST.NET