Somalia (slpost)Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) cali dheere ayaa beeniyay inuu ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Kenya ee ka dhacay degmada Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inuu nool yahay, isla markaana Dowladda Kenya sheegashadeeda ah inay dileen isaga, wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta madaxa bannaan ee warkaasi faafiyay inay si indho laโaan ah u qorayaan warar aanay iska hubin.
โWaa been warka ay iga faafiyeen ciidamada Kenyaโ ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere oo sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay ka soo hartay dacaayad iyo warar raqiis ah oo ay ku qaldeyso xaqiiqda ka jirta Soomaaliya.
Dhinaca kale afhayeenka Al-Shababaab ayaa sheegay in wararka beenta ah ee ciidamada Kenya ay ka waantoobaan warbaahinta madaxa bannaan, isagoona kula taliyay in marka hore ay iska hubiyaan wararka ay qorayaan.
HALKAN KA DHAGEYSO