Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah adeegyada ay bixiso shirkadda is-gaadhsiinta ee TELESOM ayaa maalmo kooban Shaqadii Joojiyey, waxaanay saamayn ku yeelatay badi bulshada ku xidhan adeegyadan taas oo keentay inay xannibmaan dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee adeegyadan u af-duuban.
Adeegyada ZAAD oo ah adeeg lacagta Telefonka la isugu xawilo iyo Adeegga E-Voucher oo ah adeeg telefonka loogu shubo lacagta ku-hadalka ayaa dhammaantood is-taagay wakhti ku siman dhowr iyo toban saacadood. Arrintani waxay saamayn taban iyo is-ciil kaambi ku dhalisay dad badan oo si weyn u isticmaala adeegyadan ay shirkaddani bixiso, waxaanay dadkaas qaarkood dhaliisha u leexiyeen naftood iyaga oo ku sababaynaya inay lacagtoodii ay baahiyaha kala duwan ee deg-degga ah ku fushan jireen ku aamineen aalad iskeed u cilladoobi karta.
โWakhti habeennimo ah xilli dambe ayaan shaqada ka rawaxay. Lacag ma sito, balse telefoonka ayey lacag iigu jirtaa. Waxaan damcay inaan suuqa uga sii adeego reerkayga, sidii caadiga ahaa ee aan awlba samaynayey. Dabadeed markii aan tagay goobtii aan ka adeeganayey ee alaabtii la ii diyaariyey, waxaan isku dayay inaan lacagtii iska bixiyo. Balse nasiib darro ma shaqaynayo. Dee maxaan sameeyaa, halkii ayaan isaga tagay aniga oo cadho jiq ah,โ waxa sidaas yidhi Cabdalle Maxamuud Goohe oo ka hadlayey saamayntii cilladda adeeggani ku keenay. Cabdalle oo ka sii hadlaya waxa uu yidhi, โSubaxnimadii sidii ayey ahayd, dabadeedna waxaan goโaansaday inaan adeeggan dib u isticmaalin, waayo baahiyahaagu way badan karaan, deg-deg ayay noqon karaan.โ
Waxa kale oo cilada adeega ZAAD ku timid ay waxyeeshay adeega E-Voucher ee ku shubashada kaadhadhka hadalka shirkadda TELESOM oo aan haba yaraatee shaqaynayn muddo saacado ah.
โWaar aamus, waanu yaaban nahayeโe waxaan filayaa jiif oo jaqdii la sheegi jiray ayaa maanta dhacaysee, dadkii way ii soo gelayaan oo waxay leeyihiin noogu shub kaadh, ka dibna adeegiina ma shaqaynayo, waxa kale oo la igu lahaa maanta oo dhan iga iibi sharaab ka dibna qofkii lacagtii ZAAD iiguma soo diri karo,โayuu yidhi Sidiiq Cali oo ka mid ah dadka meheradaha yar yar ku leh faras magaalada Caasimadda.
Wakhti Fiidkii ah Caawa (AXAD) ayey Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM Fariin ay moobillada dadka ugu dirtay, waxay raali gelin ka bixisay dhibaatooyinka adeegan ka qabsaday macaamiishooda, โMacmiil waxaanu kaa raali-gelinaynaa mudadii shalay ee Adeegyada E-Voucher iyo ZAAD hakadka galeen, ciladiina waa la xaliyay.โ
Haseyeeshee, marka laga yimaaddo raaligelinta shirkadda, dad badan ayaa ku baraarugay inay ka feejignaadaan isku halleynta Adeeggan.
Mid ka mid ah dadka ku nool caasimadda Hargeysa oo watay baabuurta nooca Indho-cadde-ha loo yaqaan ayaa muujiyey sida uu uga xumaaday saamaynta kaga timi adeeggan markii uu maanta isku dayay inuu shidaal kaga shubto mid ka mid ah kaalmaha shidaalka Iibiya ee badhtamaha magaalada.
โWaxaan isku dayay inaan shidaal ku shubto baabuurkayga. Markii aan kaalinta soo istaagay ee shidaalkiina la iigu shubay, ayaan inankii shidaalka iigu shubayey ku idhi, โwaa imisa nambarkaaga Zaad-ku.โ Dabadeedna inta aanu inankii ila hadal, ayuu nin kale oo aan u maleeyey inuu meherradda leeyahay la soo booday, โWaar ha igaga shubin, Zaad iyo Caliyo lahayne. Adeer soo qaado lacag Kaash ah,โ isaga oo u malaynaya inaan wali shidaalkii la iigu shubin,โ ayuu yidhi ninkani wakhti aanu shidaal kaga shubanaynay kaalintaas.
Isticmaalka adeegga Zaad ayaa ku baahay dhammaan bulshada dalka gaar ahaan intooda telefoonnada isticmaasha oo qaarkood wakhtigan xaadirka ah iska joojiyey inay isticmaalaan ka dib markii ay mushkilad kala kulmeen adeeggan.
Siciid Maxamuud Xaashi waxa uu isticmaali jiray Adeeggan ZAAD balse waxa uu iska joojiyey ka dib markii uu jawaab Qancisa ka waayey masuuliyiinta shirkadda si ay ugu soo celiyaan lacag si kamaโ ah uu ugu diray number khaldan.
โLacag 100 Dollar ahayd oo loo soo diray nin aanu walaalo nahay, anigana la iigu soo hagaajiyey. Dabadeedna walaalkay ayaa ila soo xidhiidhay, waxaanu isiiyey number aan ugu diro. Nasiib darro number khaldan ayaan ugu diray. Wakhtiguna habeennimo ayuu ahaa, markii aan subaxnimadii isku dayay inaan u tago xarunta, dabadeena aan cabashadaydii u sheegay, waxaan kala kulmay jawaab iqancin wayday,โ ayuu yidhi Siciid.
Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net