Addis Ababa (SLpost)-Wefti Xukuumadda Somaliland ah oo uu hoggaaminayoΒ Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya una sii jeediyey Dalka Ingiriiska, ayaa caawa ka dhoofay madaarka Addis Ababa, ka dib markii Safaaradda Ingiriisku weftiga u ogolaatay Dal-ku-galka Britian.
Weftiga Madaxweyne ku xigeenka oo dalka Ingiriiska u tagaya inay jaaliyadda Somaliland ee UK kala qayb-galaan Xuska munaasibadda 18-ka May,Β waxa ku wehelinaya Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin, Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki, la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Amaal X Miisaan iyo Marwada Madaxweyne ku-xigeenka.
Warkan oo ay noo xaqiijiyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Addis Ababa, Waxa caawa u suurto-gashay weftiga inay u dhoofaan dalkaasi Britain ka dib markii Safaaradda Ingiriisku maanta u ogolaatay Fiisayaasha xubnaha Weftiga, haseyeeshee waxa ka hadhay weftiga Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif oo sabab aan la garanayn looga reebay Weftiga, in kasta oo la sheegay inuu ka daba-bixi doono labada maalmood ee soo socda.
SOMALILANDPOST.NET