(SL.Post) Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inuu tixgalin doonaan soo jeedinta xisbiyadda ee mudadda lixda bilood ee ay isku afgarteen in doorashadda dib loogu dhigo.
Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu sheegay haddii abaartu jabto in doorashadda la gali doonno.
โAbaartu haddii ay jabto doorashadda waa la galayaa, haddii ay jabi waydo ilaahay ha inaga jabiyee, waxba inaga hadhi maayaanne haddii roob fiicani daโo waa laga gaadhsiin karaa,โayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo wax laga waydiiyey wakhtida lagu waddo inay doorashaddu qabsoonto.
Mar wax laga waydiiyey soo jeedintii xisbiyadda inay ku raacsan yihiin iyo in kale, waxa uu yidhi โXisbiyaddu talo soo jeediyeen, taladoodiina waa la tixgalinayaa, dee ha la gaadho.โ
Somalilandpost.net