Inta aanad kalkiisa u gondaย deginย ayaad kalkiisa ka aragtaa inuuย qof badanyahay, waayo waxa markaba ku sooย jiidanaysaย deganaantiisaย iyo dunji wanaagaย korkiisa ย ka muuqda.
Wuxuu dhalay labaย carruuraย oo sooran ah,ย inanka aayaa labadaย weynย oo curadka reerka ah, Caalim wuxa uu aroortii u camal tagaa shirkad aanย weynaynย oo dhismaha ka shaqaysa, Hooyo Cosobna waxay inta badan ku hawlan tahay hagaajinta hoyga, qurxintiisa, iyo qaabayntiisa, iyo in ayย carruurtaย u diyaariso wax waloo ay ugu baahan yihiin waxbarashadoodaย haddayย noqoto dharkooda iyo dhuunigoodaba.
Inkasta oo casharada waqtiga iyo waayuhu ina siiyay ay ka mid tahay in bini aadamka hankiisa iyo hammigiisu mar walba joogto yahay oo halka uu joogo halka ka horaysa u heeryaysto, haddana dadku waa farahaaga oo kale oo way ku kala duwanyihiin, Caalimย adduunkaย iyo hayntiisa kooban ee uu ka helo shirkadu war war badan kuma hayso, kamana walaacsana waayaha iyo waqtiga uu ku jiro, kama fikirsiiso faaโidada yar ee uu kuhaystoย shaqadiisa, wuxuu kalsooni ย ย buuxda ku qabaa qofnimadiisa iyo halka uu qotomo, qiimaha iyo qadarinta u bandanna wuxuu ku bixiyaa qalooc tiridda iyo qumani tusida labadaย carruurtaย ee uu dhalay.
Haddiiย uu shaqada ka soo rawaxo,ย sheeko iyo falanqayn macno daran kagama habsaamo ubadkiisa iyo ooridiisaba, waayo iyagaa agtiisa wax kale uga mudanaan badan, haa heey wuxuu u heelanyahay oo u hamuumayaa siduuu soo saari lahaa hawl karro hanta oo hogaamiya, horsedna u ah cidda ay hantida u yihiin, wuxuu ku fikiraa oo beegsadaa siduu bulshada ugu soo dari lahaa qof dhinac walba ka dhisan oo dheef usoo jiidi kara.
Fiidcawlka hore ayuu ย soo fadhiistaa qolka fadhiga ee awlaadduย ay wax ku akhristaan, kaligood ma aha e Aabbohoodย Caalim ayaa ka mid ah inta ay wax wada akhristaan ee waqtiga badan ku wada qaataan qolkan.
Casharada cilmiga ah iyo Duruusta diiniga ah ee loo soo dhigo ayuu u akhriyaa, marna la akhriyaa, oo ay wada akhriyaan, dabcan waa ka qayb Hooyo Cosobna oo golahan kama madhna mar mar ay hawl guriga ah ku mashquulsan tahay mooyaane.
Casharo loo soo dhigay oo uu la jilciyo uun golaha laguma hayoโe ee Hal xidhaalayaal iyo googaalaysi maskaxdooda iyo maankooda dhisaya ayuu ku mashquuliyaa oo mar marka qaarkood ku madadaaliyaa, sheekooyin macno badan xambarsaan oo casharo iyo cilmibaย ย u kordhinaya, khibradina ku dheehantay ayuu uga sheekeeyaa oo u soo gudbiyaa, dhinacyada ma eeg eegaan, oo xataa dhakada ma dhaq dhaqaajinayaan, dhegta ayuun baa taagan, way dhuganayaan, way dhadhansanayaan oo dhuuxayaan taariikhda iyo tilmaamaha ku dheehan ee loo soo tabinayo, wixii suโaal ahna si dhibirsan ayuu ugaga jawaabayey hadii bay ay waydiiyaan
Mar marka qaarkood wuxuu u mala awaalaa masawirna uga bixiyaa maalmaha adduunyadu sida ay isku gad gadiyaan, marar kale wuxuu iyaga ka dhagaystaa sheekooyin iyo aragtiyaha ay ka qabaan suโaalaha uu waydiiyo, waana ta u saamaxday in waxa ay tabanayaan ama tabinayaa siย cadย u sheegi karaan.
Jimicsi iyo jidh dhis inay helaan way ugu jirtaa ajandaha oo jimcayaasha qaarkood wuxuu u saaraย magaalada banaankeedaย ย oo ay waqti kusoo qaataan.
Ubadka kale inay ka soocan yihiin waad soo saaraysaa markaba, waayo waxaa marka horeba ka gadisnayd halka iyo hoyga ay ku soo koreen, waxaa ka duwanayd waalidka ay nasiibka u heleen.
Sida ay u fikirayaan ee wax u faaqidayaan waa mid dadka intaaย aragtay ka fajicisay, waayo 13 jir iyo 11 jir sidan u dhaqma ayaa aad ugu yar dbulshada ay ka tirsan yihiin,ย Mar marka qaarย haddaadย u fiirsato xataa waxaa ku cajab galinaya qaab la dhaqankooda iyo dabcigooda wacan ee cid kastoo la kulantaa u riyaaqdo, kuna riyooto inay kuwan oo kale koriyaan oo ku faanaan.
Aabboย Caalimย waxa uuย ย ku canqariyay ee caruurnimadoodiiย ku carbiyay ayaa caynkanย ย ka dhigtay, waqti iyo waayo kala gadisan ayuu la soo maray, maalmo iyo habeeno ayuu u soo huray si u hagaajiyo oo u soo saaro qof quman, si uu u soo saaro qalbi fayow iyo maskax meel fog wax ka eegta oo fikirta.
Meel wal oo ay joogaan waalidka iyo cidda wax dhashay waa isku mid oo magac bay wadaagaan, waana kala mid oo hanka iyo himilada ayey ku kala heer sareeyaan, Maanka iyo Maskaxda Togan ee Qalbiga iyo NiyadaTolmooni la jirtaa wuxuu ka qaalisan yahay wax wal oo qadaadiic lagu bixiyo, Qoysaskuna waa wada qoysas hadana kala qaab, qumanaan iyo quruxbadan, magaca se way wadaagaan,ย Aabbahaย iyo Hooyada fiican ee himiladadoodu durugsantay, hamigooduna fogyahay, waa kuwa ku soogan soo saarida dad faaโido iyaga iyo ummadaba u uleh, Isku soo duuduuboo Qoyska ย waxa gonda dhigasho u noqonaya in uu qaloocsamo ama uu qumanaado hadbaย lamaanaha ย qoyska dhisayaa sida ay nolosha ka dhigtaan.
Wabilaahi Tawfiiq
Qalinkii: Saddam Xusseen Carab
Hargeisa – Somaliland