Hargeysa, (SLpost) β Xukuumadda Somaliland ayaa gobolka Awdal u dirtay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland iyo laba Wasiir oo kala ah Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday iyo Gaashaandhiga Axmed X C ali Cadami.
Weftigan oo habeen hore gaadhay magaalo-madaxda Gobolkaasi ee Boorama, ayaa sheegay ujeeddada Socdaalkoodu inay la xidhiidho sidii ay wax uga qaban lahaayeen Maslaxadda guud ee Gobolkaasi, gaar ahaanna khilaafka Beelaha Samaroon ku dhex maraya Ugaas qaar ka mid ah Beelahaasi doonayaan inay ku Caleemo saaraan Deegaankaasi
Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ah guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtidda oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay goor dhaweyd ayaa Waaheen u sheegay in gudagali doonaan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka ka taagan Ugaaska waxaanu sheegay βAdeer imikaanu galnay magaaladaba, walina maanaan fadhiisan, hawsha aanu u soconaana waa Maslaxada guud ee dadkaasi, markaa hawsha markaanu galno ayaanu wixii war ah ee ka soo baxa idin siin doonaaβ ayuu yidhi
Hase yeeshee mar aanu wax ka weydiinay ujeedada rasmiga ah socdaalkoodu inay la xidhiidho khilaafka Ugaaska ka taagan iyo inkale waxa uu yidhi βSidaa aad sheegtay weeyi Ugaaska ayay kolay hawshayadu tahay sidii aanu dhinacyada isku haya u wada hadashiin lahayn iskuguna soo dhaweyn lahayn arrinta,β ayuu ku soo koobay
Xildhibaanada kale ee ku wehelinaya Xildhibaan Muxmed Aw Cabdi waxay kala yihiin Odayaasha ug waaweyn Golahaasi oo kala ah Sheekh Khaliif, Axmed Muuse Obsiiye Gacan, Caydiid Cabdi Maxamed, Yuusuf C/laahi Cawaale Khilaafka ka dhashay Ugaas la yidhaahdo Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo ku sugan magaaladda Jigjiga ee Itoobiya ayaa Gobolka Awdal beelaha Degan ee Samaroon oo ay qaar-na taageersan yihiin kuwana Diidan yihiina ayaa khilaaf weyn ka dhex abuuray, waxaanay gaadhay ilaa heer ay ku kala saftaan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolkaasi iyo Madaxda Xukuumadda qaarkood, kuwaasoo hadalo taageero iyo diidmo isugu jira Saxaafadda isku mariyay.
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net