
Gabaygani wuxuu ka mid yahay maansooyinka ugu culus suugaanta Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), uguna macnaha badan. Wuxuu soo baxay 15 september 2009-kii, waqtigaas oo ku beegnaa muddooyinkii xukuumaddii Somaliland wakhtigaas ka talinaysay ee UDUB sii socotay, waxaanu ka hadlayaa Gabaygani tabashooyinkii dadka ee xilligaas taagnaa iyo xaaladdii lagu jiray sidii uu Abwaanku ula fal-galay, ugana hal celiyey.
Dadkay I gabaye kama gaagaxeen, tirinta Guurroow’e
Ka goblamay dhankoodii markay, gudasho diideene
Gabay bay I leeyiin haddeer, dhegana waa goofe
Godol bay I leeyiin Xuseen, Gorof la’aantiiye
Gartaan Yuusufoow qaadayaan, cidi guddoomayne
Aan gilgilo bal caawana waxay, gororto laabtaydu.
Garba-beeshay maansadu haddaan, niman u guulayne
Geedi geliya guubaabadaa, gumucyo liishaama
Warka gura tixdaydana guntoo, sii gudbiya baaqa
U guntada intaad geylantaan, gees kastana geeya
U gelbiya sidii gaaf aroos, una garraadeeya
U googooya sida goolli-baadh, hana garmaamayso
Faq ma geydo meel guluc ahoo, lagaga guuxaaye
U goleeya geedkay lahayd, kor ugu geeraara.
Afartaasi waa gogol-dhiggii, gabayga ii gaaxsan
Dulucdana gullaal waa dilaa, kana geddoomaaye
Gonda-degaye xaajadda miyaan, garar u liileeyo.
Gu’gaygoo labaatana miyaan, uurka ka gaboobay?
Naxdintiyo galiilyada miyaan, gooni la ahaaday?
Sida guud-cirroolaha miyaan, fiidka gabargaalay?
Gadh-madoobahaygii miyaan, caawa gobol joogin?
Sida gooni-daaqii miyuu qaarba, dhan u goostay?
Arligooda oon gabin miyaa, looga gacan haadshay?
Badda saw kumay gu’in raggii, guusha dhicin laaba?
Gabdhihii qurayshtii miyaan, gaagna hadhin maanta ?
Geyigooda oo xora miyuu, suudal ganac gooyey?
Cakuyeey gumaystuhu muxuu, gaade igu reebay.!!!!!!!!!
Calankayga geylaansadee, gorodda soo laabtay
Calankayga gaadhkiyo raggii, geydho ka hor joogay
Inta lagu gabood-falay birtii, gaadhay taxadkeeda
Calankayga geesiga tabee, gocorku duuduubay
Calankayga guunyada dhaqee, goomman lagu sooray
Calankayga kii ganay sitee, ciilka gubanaaya
Calankayga kuu godob ku laa, guudka kaga joogo
Calankayga kii gabay dadkii, loogu guri ooday
Calankayga kii gaday arkee, gooha damin waayey
Calankayga kuu garabsadaa, daabka galinaayo
Calankayga gaarida jantee, nacasta loo guurshay
Calankayga gaaliyo axmaar, looga googol-saaray
Calankayga gaaraayacuun, loogu xidhay geedka
Calankayga gaadiyo abees, gooshba midi yeesho
Calankayga goor ka goor, rayska laga gawdhshay
Calankayga goobyaalayee, seeto lagu giijay.
Si buu ii gilgilayaa Xamsoow, waa I gubayaaye
Si aan gaar u leeyuu qalbiga, ii gundhinayaaye
Waxa gabay dadkiisee, maxaa gama’ ii diiday!!!!
Maalintay gadoodduun hadday, gocato deynteeda
Maalintay gumowduun hadday, garato iinteeda
Maalintay gabnawduun hadday, dayato gaaxdeeda
Maalintaa la gaaduun hadday, gamaska raadcayso
Maalintay gawaan taal hadday, garabka uun eegto
Maalintay god jiiftiyo markay, boogtu wada gaadho
Yaa gadaal u soo celin toloow, garasho waa yaabe?
Mar hadday iniinyuhu galaan, ciidda gudaheeda
Xididkiisa geedkaad jarteed, goysay dib u fiilye
Geeridiisa kii lagu farxee, nabarka kuu geystay
Dibna loo gardaadiyey markii, iilka lagu giijay
Galabtii la aasayna dhashaa, jooga garabkaaga
Weli Gaanni waa xay intay, hebelo gaan yiine
Muxuu gabaygu ii qaban haddaan, guduri loo loogin.
Gurboodkeena gaajada qabee, wada galiilyeysan
Galaayuuska ciilkiyo ilmada, dhabanka gawlgawshay,
Ragga gabanadoodii dirtee, Yurubta sii geystay
Gunno iyo waxay moodayaan, lama garaystaane
Geerida barbaartiyo shilkaa, maanta Herer gaadhay
Dhallintiyo gashaantimo rasaas, loogu guday qaanta
Gaaggii ka soo hadhay Baddaad, sii gambiyasaane
Ginidii cashuurtaa xabaal, loogu gadayaaye
Gumaaddaye ku geesaas, nabsaan ganay fallaadhiiye.
Inkastoo sidii Goodirkii, guuto lagu saaro
Inkastoo sidii guunyadii, gawrac lagu jiido
Gefka iyo gedaafiyo car juuq, goor kastaba taagan
Mar haddaanad guul kaga helayn, goroyo khaakhleynta
Gacmo daalis weeyaan rasaas, lagu guhaadshaaye
Gelbataye gunaadyohow I dhaaf, gudatay aarkiiye.
Ol’olaha galoofta ah intaad, sii gorgorinayso
Urugada gubtaanyada intaad, sii gurgurinayso
Xalku gadan, xilkaagana gabtee, geeso tumo fiiqan
Hana guban waxaad gaaxsataad, godol lisaysaaye.
Kaad ku guurtay waa galabsigii, inaad ka guurtaaye
Dad kuu guusay waa garashadaa, inaad gumaysaaye
Goondhabada giiriyo qaroof, gacan-togaaleynta
Gardiidnimada eexiyo gunnayn, camal gunuuseedka
Guraabaaska gasariir-darrada, falalka goonbaarta
Milgo gudhinta, xil garoocashada, gaalintiyo beenta
Wacad gadidda, gooriyo ayaan ceebta kugu gaadhan
Biyo kaama gooyaan ilayn, gawlka kugu yaalle
Alleylehe nin good aaminoow, adiyo geegaali!!!!!!
Ku galgalay gefkiisii xadgudub, dawna garan waaye
Gar la jaray guddoon iyo qabuul, geedka laga sheegay
Gobo’ iyo go’aan iyo maxsuul, caynka lagu giijay
Dib u gocay balkiisii ka guur, geydha damin waaye
Sii gole-ka-fuul hadalka go’ay, baaji gacan qaadka
Xinka garabsay geediga shirqool, gawrac hadafkaaga
Gelbi ciilka geerida u hees, gaasir taladaada
Guji damalka gaalleefta saar, lama garaacaanka
Godlay beenta gaagixi runtii, gawre kugu oode
Golqaniine Maandeeq guntane, gaajo kaga maale
Kaa goosay oo kugu gunnee, jiidhka gibilkaaga
Kaa gaday damiirkiyo hankii, kuu gurguri gawska
Ku gumeeye guuf iyo hambiyo, gocondho kuu qaybi
Dadse garasho liitaa gondaha, waa is goyn jiraye
Waa galangal good iyo abees, gaaf ku ladayaa.
Garba raar guduudkii ximraha, kooshin garab yaalla
Gudban iyo garbiyo daalalada, cirirka guurguura
Jidka gacanle afagaaladiyo, dirirka guudkeena
Garbi mooro taalliyo god baas, guusha laga raadi !!!
Gudcur dama’ gudgude soo cartamay, galawna yuusyuusay
Gabbal dumay gadiidkoo baxsaday, madawna soo geydhay
Gelli bahal le giriyaad cidlo ah, gebiyo saynsaaban
Ku go’doonta ha ka guurintiyo, gumar ku sooryeynta
Kala guridda ka goynta iyo gacal is diidsiinta
Kala gudhinta soo kala gammuur, qaarba galab aasta
Kala gadida soo kala gantoob, daabka gudin seeji
Danta gaara tii guud u loog, caydha ganac gooya
Xilka gaba xaqiiqada god dhiga, ganacsadoo booba
U garaabe golihii Wasiir, ficil gumeedkaase
Gaadiidka cayday noqdeen, gibin yar mooyaane
Gobanimo dadkeedii gun yahay, waa mid guda weyne
Kol haddaanay guushuba masayn, garangar meel taalla
Uma guuxin gawl iyo cammays, sida gondaalkiiya.
Candha-dheertii qaaxadu gashee, geesta ula ciirtay
Gadaaliyo waxay mudan, markay guurti falanqaysay
Guud-caddaagu xaajada markuu guulay, kana dooday
Gonad-dhigashadeedii markii, geeri lagu sheegay
Galiilyada warkeedii markii, ubadka loo geeyey
Gabankii u weynaa wuxuu, goostay lala yaabye
Gogol-xaadhka dhiilada ilmaa, lagu guddoomaaye
Qosol baabu gawskiyo ilaa, gudaha sii faytay
Kuye guul-darraystoow wuxuu, hadal ku soo gaabshay
“Geb hadday tidhaahdoo adeer, mawdku gigo hooyo
God ku aasi maayee cadkaan, gaajo kaga raysan
Gaaxdana anaa jiqi haddaan, Guulle iga oofsan.”
Gadh-wadeenku waa ila geddaa, garashadiisiiye
Haddaad galangalcowdiyo hadday, noloshu kuu gaan tay
Gofaniyo hadduu yahay midaan, dhiigga kaba giigin
Waxan ugu garaabaa kolay, gole ma yaallaane
Geela kiisii weynaa durduro, fadalka googooyey
Inuu Aarankii gaabiyaa, waa ila giriyaade
Ummad guurtideedii luntooy, ginida boobayso
Maxaa nimanka gaalkii wax baray, gacale loo sheegan?
Isha: Weedhsame.com