Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Dabdemiska ee Hargeysa ayaa ku guulaystay inay damiyaan Dab caawa ka kacay Suuqa Gobonimo oo ku yaalla degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa.
Dabka Suuqa ka kacay oo uu sababay Shoodh ka dhashay Korontada, ayaa ciidamadu ku guulaysteen inay ka hortagaan inuu ku fido Suuqa, iyagoo ku xakameeyey halka uu ka bilaabmay, Mana jiro wax khasaare ah oo dabka ka dhashay.
Ciidammada Bilayska ee caasimadda Hargeysa, ayaa sidoo kale iyaguna hawlgalka ka qayb qaatay, iyagoo badbaadiyey hantidii taalay suuqa, sida lagu sheegay war-qoraal ah ooka soo baxay ciidanka Dab-demiska.
Suuqa Gobanimo ayaa ah Suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda Hargeysa, marka laga reebo Suuqa Waaheen oo ah ka ugu weyn caasimadda Hargeysa isla markaana lagu tilmaamo suuqyada ugu waaweyn Bariga Afrika.
Bishii April ee sannadkan ayay ahayd markii dab laxaad leh ka kacay Suuqa Waaheen, kaas oo sababay khasaaraha hanti lagu qiyaasay 2 Bilyan oo Dollar.
Ciidanka Dab-demiska ee Somaliland, gaar ahaan kuwa Hargeysa, ayaa sheegay inay jirto khatar dabku ku hayo suuqyada dalka, waxaanay bulshada iyo ganacsatada ku wargeliyeen inay ka feejignaadaadaan khataraha uu dabku keeni karo, waxaanay soo jeediyeen in meherad kasta loo sameeyo haamaha dab-demiska.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net