Hargeysa (SLpost)- Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Ciise Muuse Bari ayaa ku gacan-saydhay qabsoomidda shirka beesha u qoondaysan dhammaadka bishan, iyada oo isla markaana taageeray war-murtiyeed ay Cuqaasha iyo Odayaasha beesha Ciise Muuse Galbeed Shalay ka soo saareen magaalada Hargeysa kaas oo ay ku dedafaynayeen qabsoomidda Shirkaas.
War-murtiyeed ay galabta soo saareen wax-garadka iyo odayaasha beeshu, waxay ku sababeeyeen joojinta shirka ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in aanay beeshu u dhammayn goโaanka qabsoomida shirka. Waxaanay xukuumadda iyo cidkasta oo ay khusayso ugu baaqeen inaan magaca beesha cid aan loo dhammayni ku meteli karin.
War-murtiyeedka ay beeshu ka soo saartay Goโaanka ku aaddan shirkan ayaa u dhignaa sidan:
ย โKa dib markii aanu galnay shirar lagu lafo-gurayay shirkii lagu baaqay ee Ciise Muuse ee lagu qaban lahaa Dubur ee degmada Sheekh ee Muddadiisa dib loo dhigay.
Mar labaad, waxaanu isla aragnay isla garanayna in shirka sidii lagu waday ka baaqsaday noqdayna shir aan qorshihii beeshu ugu talo-gashay waafaqsanayn, taasna ay nala aragtay beesha Ciise Muuse Galbeed, baaqna ay ka soo saareen, anaguna aanu baaqaa ku taageersanahay.
Hadaba, sababahaas dartood, waxaanu goโaansannay inaanu shirkaas joojinno markaanu aragnay inaan laysku waafaqsanyn. Cuqaasha, Odayaasha iyo wax-garadka beesha Ciise Muuse ay isku raacsan yihiin joojinta shirkaas.
Haddaba, waxaanu xukuumadda Somaliland u sheegaynaa inay qaadato goโaanka ka soo baxay cuqaasha iyo odayaasha beesha Ciise Muuse.
Waxaanu u sheegaynaa xukuumadda iyo cidaha ay khusaysaba inaan magaca beesha nin aan la igmani ku hadli karin, sidaasina ay waafaqsan tahay nabadgelyada, sharciga dhaqanka iyo ka Qaranka-ba.โ
Xubnaha baaqa soo saaray ee Beesha Ciise Muuse Bari
- Chief-Caaqil Cumar Jaamac X. Cilmi
- Chief-Caaqil Cabdi Maxamed Siciid
- Chief-Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale
- Chief-Caaqil Maxamed Cabdi Faarax
- Guddoomiyaha Awal Bari Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan
- Chief-Caaqil Axmed Ibraahim Il-bir
- Caaqil Sugaal Cabdilaahi Cajab
- Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux-yare
- Caaqil Cali Yaasiin Maxamed
- Chief-Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud
- Caaqil Cabdilaahi Cali Ismaaciil
- Caaqil Yuusuf Mire Cawaale
- Oday Jaamac Cabdi Ubaxle
- Caaqil Nuur Siciid Allaale
- Oday Axmed Maxamed Faarax
- Oday Sidiiq Axmed Galiixe
- Oday Keyse Cismaan Saleebaan
- Oday Axmed Cabdilaahi Maxamed