17th โ 18th July, 2012 – Ambassador Hotel, Hargeisa
Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ogaysiinayaa dhammaan Jaalliyadaha reer Somaliland intooda dalka ku sugan ama ku soo socda wakhtigan ย xagaaga ah ama ka soo qaybgeli kara in la qaban doono shir sannadeedkii 2aad ee Qurba-joogga Somaliland dalka gudihiisa ku yeeshaan oo ku beegan maalmaha Salaasada iyo Arbacada ee 17-18 bisha July, 2012, waxana lagu qaban doonaa Ambassador Hotel, Hargeysa.
Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu qabanayaa shirkan isagoo kaashanaya hayโadaha Development Alternative Inc. IOM iyo (DAI), Transparency Solution (TS) iyo sirkadaha wadaniga ah ee Somaliland Beverage Industries (SBI iyoย Dahabshiil Money Transfer.
ย Ujeedada shirka sannadka ย Qurba-joogga ย 2012:
Waxa loo qabanayaa shirka sannadkan in lagaga hadlo doorka ay Qurba-joogga Somaliland ka qaadan karaan maalgashiga dhaqaalaha dalka iyo fursadaha maalgashi ee dihin ka jira Somaliland. Waxan doonaynaa in la dhiirrigeyo oo wada loo xaadho hab maalgashi ballaadhanย iyo ย waxsoosaar waafi ah oo la iska ย kaashado gude iyo dibadba si loo xaqiijiyo horumar la taaban karo.
Faahfaahinta dheeraadka ah ee qabanqaabada iyo shirkaba guud ahaan, kala xidhiidh Xarunta Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyaaha JSLย ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Safari Hotel,ย Goolada Jigjigayar, Degmada I/kdobur, Hargeisa, ama la hadal telefoonnada hoos ku qoran:
Tel: (00)-252-2-4240161 / 4150248 / 4421481 / 4081527 (Mobile)
Tel: 972033 (Line)
Email: info@somalilanddiaspora.orgย ย