Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyaddii iyo Kaalintii uu bulshada ugu jiray Allah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla dalka Hindiya.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Sheekh Caalim ah oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay nabadeyntii iyo Dib-u-dhiska dalka isla markaana waxtar iyo taageeraba ka geysan jiray Dadka Jilicsan, waxaanu madaxweynuhu marxuumka Ebbe uga baryey inuu naxariistiisa Janno ugu deeqo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhambaal Tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14/07/2022, dalka Hindiya.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka, garabna siin jiray bulshada jilicsan, sidoo kalena doormuhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”