Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Taliyihii Hore ee Sirdoonka Qaranka oo Geeriyooday

0

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa ka hadlay shaqsiyadii iyo doorkii wax-qabad ee uu qaranka ku lahaa Allah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka iyo Ilaalada Madaxtooyada Marxuum Axmed Cilmi Samatar oo maanta ku geeriyooday Hargeysa.

Md Muuse Biixi waxa uu marxuumka ku tilmaamay ‘Muwaadin hawl-kar ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba ugu adeegay si xilkasnimo ku dhaahan tahay‘, waxaanu marxuumka Eebbe uga baryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka oo xilligan ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada dalka oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, ayaa hore u soo noqday Taliyihii Sirdoonka Qaranka Xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHU) iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.

“Madaxweynuhu wuxuu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaan ciidamada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net