SOLJA oo Cambaareeyay Cabudhinta iyo Cago-jugleynta Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ku hayo Saxaafadda

0

Hargeysa (SLpost)- Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyay dhaqamada iyo tallaabooyinka caga-juglaynta ah ee Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali (Ramaax) ku hayo ย saxaafaddaย Madaxa bannaan ee ka hawlgasha gobolkaas.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraaโ€™id ku qabtay hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa jawaabย  adagย  ka bixiyay ย hadalย  hanjabaad ah ย oo toddobaadkan ka soo yeedhay Guddoomiye ย Gobolka Saaxil Maxamuud-Ramaax oo sheegay inย  aanu gobolka madaxdaย  uu ka yahay ka hawgeli Karin ย Wariye aan isaga ogolaansho ka haysan, waxaanu guddoomiyaha SOLJA hanjabaddaas ku tilmaamay mid aan hakin karin shaqada warbaahinta deegaankiisa.

โ€œGuddoomiyaha gobolku waxa uu sameeyay takooris uu kala takoorayย innamada suxufiyiinta ah ee jooga Magaalada Berbera, sidaas darteed guddoomiyaha waxa aanu leenahay sida aad u dhaqmaysaa maahaย waxย wanaagsan; waa si laga qurux badan yahayย  oo aad looga fiican yahay. Saxaafadda ย iyo suxufigu maaha qaar adiga iyo qayrkaa ย daba fadhiisanaya, maaha qaarย aad yeelanayso oo aad ku takri falayso oo ka ku diiddana aad eryi doonto, ka ku ogolaadana aad soo dhaweyn doonto,โ€ ayuu yidhiย Xasan Maxamed Yuusuf .

Warbaahinta ka hawl-gasha gobolka Saaxil ayaa muddooyinkii u dambeeyey cago-jugleyn iyo hadidaad kala kulmayey masuuliyiinta Dawladda ee Gobolka, waxaanu hadalka guddoomiyaha gobolka Saaxil muujiyey sida ay wali Madaxda Dawladdu ugu xad-gudbayaan xuquuqda Suxufiyiinta dalka ka hawl-gasha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net