Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaran Somaliland Md Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Riyo-raac), ayaa iska casilay xubinnimadii uu ka hayey guddidaas.
Cabdirashiid Riyo-raac oo maanta shir-jaraaβid ku qabtay Hargeysa, waxa uu sababta is-casilaaddiisa u sibir-saaray xubno Xisbiyada Mucaaradka ahi u xil-saareen hawlaha Komishanka doorashooyinka.
Goβaanka iscasilaadda uu shaaciyey Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa salka ku haya khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo xilka ka qaadeen Riyo-raac, Guddoomiye cusubna u doortay Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, inkastoo guddoomiyihii hore ku gacan-saydhay tallaabadaas.
“Inaan Is-casilo waxaa ka dambeeyay labada masuul ee xisbiyada mucaaridku u soo magacaabeen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Gudoomiyhii hore Ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.
Cabdirashiid Riyo-raac oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisii xubinnimada iyo hoggaaminta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa qabtay doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka oo lagu ammaanay.
Mr Riyo-raac ayaa noqonaya xubintii saddexaad ee iska casila Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka kooban 7 xubnood, waxaana hore isaga casilay laba xubnood oo kale.
Khilaafka iyo kala dhantaalanka ku yimi Guddida Doorashada Qaranka Somaliland, ayaa la filayaa inuu saamayn muuqata ku yeesho qabsoomidda doorashooyinka u muddaysan dabayaaqada sannadkan oo xilligan ay si weyn isugu maan-dhaafsan yihiin xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net