Somaliland: Mucaaradka oo Kalsooni-darro ka muujiyey SONSAF IYO APD

0

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aanay kalsooni ku qabin Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland iyo Daladda SONSAF.

Daladda ay ku midaysan yihiin ururrada bulshada Rayidka ah ee SONSAF iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland (APD) oo door ku leh Arrimaha doorashooyinka Dalka isla-markaana marka khilaaf yimaaddo door ka qaata sidii xal looga gaadhi lahaa, ayaa Xisbiga WADDANI sheegay in aanay ku kalsoonayn.

Qoraal kooban oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku yidhi: “SONSAF iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarkuba waa hay’ado dhinac ka raran oo aan awood u lahayn inay dhex dhexaadiyaan Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ah. Wax aamin ah kuma qabno dhexdhexaadnimadooda xisbi ahaan.”

Xisbiyada Waddani, ayaa sidan oo kale qayla-dhaan kalsooni-darro ah uga muujiyey dalladda SONSAF iyo APD dabayaaqadii sannadkii 2017-kii oo ku beegnayd waxyar ka hor doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay bishii November ee sannadkaas, waxaanu xisbiga Waddani xilligaas ku eedeeyey labadan hay’adood inaanay dhex ka ahayn Arrimaha Doorashooyinka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net