ย Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamedย Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axaddii sabtidii todobaadkan Huteelka weftiga madaxweynuhu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL magaaladda Dubai kula kulmay Guddoomiyaha ururkii Somaliland diidka ahaa ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye). Kulankaas oo ay ku faaqideen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen nabad-gelyada iyo xasilinta gobolada Sool iyo Buuhoodle.
Kulankan waxa uu ahaa mid qorshaysnaa oo muddaba laga shaqaynayayย ย oo qeyb ka ah in dedaaladda xukuumadda Somaliland ay kuย ย doonayso inay nabad gelyo ku kasbato ashkhaasta iyo kooxaha nabad diidka ah ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle.
Qasdiga xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay ka leedahay nabadeynta iyo gogoshada nabadda ee uu iclaamiyay bilowgii bishii August 2010, dhawr maalmood ka dib markii uu la wareegay xilka madaxtinimaddu waxa uu daaran yahay sidii deegaamadaasi oo xaga horumarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ka hooseeya gobolada kale ee dalka looga fulin ahaa mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada ijtimaaciga ah ee bulshadda daruurigaย ย u ah.
Waxa xukuumadda Somaliland-na la gudboon inay taageero dhinac walba leh la garab istaagto siyaasigan si ay uga saacido inuu ummaddiisa u soo jiido .
ย Ahmiyadda Kulankan
Kulankan madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddoomiyaha Ururka SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa uu furre u noqon karaa jidka loo marayo in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka beelaha Sool iyo Buuhoodle. Waxaana haddii uu si ficil ah u dhaqan geliyo Hoggaamiyaha SSCย ย qodobadii ay ka wada hadleen Hoggaamiyaha dalka ay suurto-gal ka dhigaysaa in Somaliland ayย ย wax ka bedesho jawigii hore oo ay galaan gal u yeelato in xubno kale oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ahi ay ku soo hirtaan inay qoriga dhigaan oo ay ka qeyb galaan dedaalada nabadda.
Sidoo kale, waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye oo ah siyaasi qurbo joog ah, waxaย ย ย uu nabadda ku qancin karaa qeybo badan oo kaย ย mid ah qurbo-jooga colaada iyo dagaaladda ku bixiya dhaqaalaha adag ee lagu mustaqbal tirayo dhalinyaradda iyo ubaxa gobolada ay ka soo jeedaan. Kuwaasi oo ah dadka tacab khasaarka u weyni ku dhacay.
Caqabadaha ka hor iman kara iyo Fursadaha uu haysto Saleebaan Xaglo-toosiye
Hoggaamiyaha SSC oo ah nin dhalinyaro ahย ย waxa la gudboon inuu u babac-dhigo, adkaysina u yeeshoย ย caaridad xoog leh iyo mixnad aan yarayn oo ay dedaaladiisa nabadda iyo aragtidiisa toganย ย ay kala hor iman karaan kooxda khaatumo seegย ย ee Cali Khaliif Galaydh uu samaystayย ย iyo makasta la hubeeyay ee saarka qabyaaladda looga faaโiidaysanayo xoogooda dabka lagu gurayo.
Waxa uu u baahan yahay inuu juhdi badanย ย geliyo oo uu la yimaado istaatajiyad uu ku qancin karo maxasta iyo dhengagaalaha. Waa inuu kaashadaaย ย aqoon-yahanadda nabadda u bohol yoobay iyo waxgaradka deegaamadiisa uu door bidayo inay kaalin ka qaadan karaan tubta nabadda.
Haddii uu ka jibo keeno 50% inuu hanto bulshada deegaankaasi waxa uu noqon doonaa xidig weyn oo lagu talo taashka nabadda. Waxaanu noqon doonaa siyaasi meeqaam sare ku yeesha siyaasadda Somaliland.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxa kooxaha durbaanka colaada u googaโay ay mareegaha kooxda Khaatumo ayย Saleebaan Xaglo-toosiye ka qorayeen maqaallo aflagaadoย ย ah oo ay ku naqdiyayeen kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaan Hoggaamiyaha SSC horyaala inuu ku adkaysto dariiqa nabadda oo uu ahmiyad weyn siiyo sidii bulshadiisa uu u halgamayay isagoo nolol wanaagsan ku haystay dalka Maraykanka uu gaadhsiiyo himilooyinka nabadda.
Waxaanan qormaddan ku soo khatimayaa maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda โRAGANIMADDU WAXAY KU JIRTAA MEEL CIDHIIDHYOON.โ
Cumar Maxamed Faarax