Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku bogaadisay xilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u magacaabay Mr Parfait Onanga-Anyanga oo ilaa 2019-kii hayay xilka Ergayga gaarka ah ee Xogaha Guud u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa wareegto uu Salaasadii shalay soo saaray waxa uu Wakiilkiisa gaar ah ee u qaabilsan Ururka Midowga Afrika, ahna madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ku leedahay Midowga Afrika (UNOAU) u magacaabay Parfait Onanga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Gabon ee ku yaalla Badhtamaha Qaaradda Afrika.
Parfait Onanga-Anyanga oo 25-kii sanno ee u dambeeyey shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Qaramada Midoobay, ayaa beddeli doona haweenay lagu magacaabo Hanna Serwaa Tetteh oo u dhalatay dalka Ghana isla markaana xilkaas haysay ilaa sannadkii 2018-kii. Mrs Hanna Serwaa Tetteh, ayay isbeddeleen sarkaalkan fadhigiisu noqon doona magaalada Addis Ababa, waxaana loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada u Qaabilsan Arrimaha Afrika.
Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa wasaaraddu sarkaalkan ku bogaadisay xilka cusub ee loo magacaabay.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay bogaadin u diraysaa Mr. Parfait Onanga, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika, ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika, oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Mr Parfait Onanga ayaa hore u soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalalka Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana lagu tilmaamaa khabiir waayo-aragnimo durugsan ka kasbaday xalinta khilaafaadka iyo hawl-gallada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay muddadii uu ka hawl-galayey labadaas waddan oo dagaalo sokeeye regaadiyeen xilligaas.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net