Hoggaanka Xisbiga Waddani oo lagu soo dhaweeyey Burco iyo Dhaliilo ay xukuumadda u jeediyeen

0

Burco (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Kumannaan kun oo dadweyne wata gaadiid iyo fardo, ayaa Weftiga waddani kaga hor yimi magaalada Qoyta ee waqooyiga magaalada Burco.

Musharaxa madaxweynaha iyo guddoomiyaha xibiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa dadweynaha magaalada Burco kala hadlay fagaaraha Khayriyada Burco, waxaanay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Muuse in ay ku fashilantay hoggaaminta dalka, iyagoo ku eedeeyeen in ay dadka kala qaybinayso.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii madaxda xisbiga Waddani iyo qaabkii loogu soo dhaweeyey Burco.