“Farmaajo iyo kuwa la mid ah ee Xamar joogaa ma doonayaan doorasho” – Diblomaasi Maraykan ah

0

Hargeysa (SLpost)- Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saaxil ee Afrika iyo sidoo kale Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsnaa Gobolka Harooyinka waaweyn Dr. J. Peter Pham, ayaa ka hadlay Xaaladda xilligan Soomaaliya ka taagan oo Salka ku haysa muran ka dhashay doorashooyinka dib u dhacay iyo doorashooyinkii isku-sidkanaa ee ka dhacay Somaliland sannadkan dhamaadka ah.

Dr J. Peter Pham

Dr. J. Peter Pham oo Qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland ay xaqiijisay Doorasho Qof iyo Cod ah iyo weliba in Xisbiyada Mucaaradka ahi ka guulaysan karaan Muxaafidka, taasi oo tilmaan u ah Heerka Nidaamka Dimuqraadiga ahi ka gaadhay Somaliland.

β€œJamhuuriyadda Somaliland waxay caddaysay in aanay suurto-gal ka ahayn oo keliya Doorasho Qof iyo cod ah, balse xisbiyada mucaaridku ay xataa u guulaysan karaan sidii ay ku guulaysteen tartankii doorashada Golaha Sharci-dejinta ee sanadkan..”

Ambassador Pham oo taa barbar-dhigaya Xaaladda ka taagan Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo kuwa la midka ah ee Xamar joogaa aanay doonayn in doorasho la qabto β€œMadaxweyne Farmaajo oo hore u ahaa Muwaadin Maraykan ah iyo kuwa la mid ah ee Xamar joogaa ma doonayaan doorasho,”ayuu yidhi Diblomaasigan oo inta badan ka faallooda siyaasadaha mandaqadda Geeska Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net