Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay hadallo ka soo yeedhay masuuliyiinta ugu sarraysa DFKMG ee Somaliya, kuwaasi oo ku sheegeen in in natiijada wada-hadalada Somaliland iyo Somalia laga sugayaa tahay sidii dib loogu soo celin lahaa Midowgii Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Cali Yuusuf Axmed oo maanta shir-jaraaβid ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo aan micno buuxda u samaynayn Somaliland oo aanay waxba ka jirin, isaga oo tilmaamay in aqoonta Sheekh Shariif iyo Cabdiweli u leeyihiin Somaliland tahay mid liidata.
Md. Cali Yuusuf Axmed oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, βWaxa maalmahan warbaahinta ka socday in madaxda dawlada TFG-du ay lahaayeen wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya yihiin kuwo lagu soo celinayo midnimadii Somaliya, waxayna ku dareen inay rajo weyn ka qabaan inay arintaasi si fiican ku dhamaanayso, laakiin waxaanu leenahay waa maro habaabin ay wadaanβ
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu yidhi, βWaxaanu umadda Somaliland iyo Somaliya-ba u sheegayaa inay wada hadaladu kuΒ saabsan yihiin sidii loo noqon lahaa laba dawladood oo jaar ah oo wax wada qabsada oo simanβayuu yidhi waxaanu intaa ku daray βWaxaan leeyahay Madaxweyne Shariif iyo raysal-wasaarihiisaba taariikhdii is raaca wax badan ayaa idinka maqan, Somaliland xornimadeeda waxay ka qaadatay Ingiriiska, adduunkana dalal badan ayaa ictiraafay, balse si bilaa shuruud ah ayey ugu biirtay Somaliya, waxaana kalifay shacabka oo rabay in la sameeyo dawladii Somali-weyn, taas oo ka koobnayd Somaliland, Somaliya, Djibouti, NFD iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhicisowday riyadii Somalilandβ
Cali Yuusuf Axmed, waxa uu tilmaamay in gooni isu-taaga Somaliland ay keentay cidhiidhi shacabka kaga yimid midowgii Labada dhinac isla markaana xornimada maanta la haysto loo huray Dhiig iyo Dhaqaale aan dhayal loo khasaarin doonin.
Maxamed Cabdi Aadan (Indho)
indho145@hotmail.com
SLpost News Desk
Hargeysa, Somaliland