Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inay mucaarad ahaan ay Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland horgeyn doonaan mooshin ka dhan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Faysal Cali waraabe oo hore uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay joojinayaan wada-hadallada oo aan in muddo ah la qaban.
Faysal Cali waxa uu sheegay in wada-hadaladu ay dhaawaceen dedaalada aqoonsi-raadinta Somaliland, isla-markaana caalamku u fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay dib ugu heshiin lahaayeen.
“Maalin dhawaydna waan ka hadlay, sannad guuradii 30aad na qoraal ayaanu soo saarnay xisbi ahaan, anagu wada-hadalladaa waanu joojinaynaa haddii Alle yidhaahdo, wada-hadalladii horena khasaare ayay noo keenen, waxa loo fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay u heshiin lahaayeen,” ayuu yidhi Faysal oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.
Waxa uu guddoomiye Faysal ku gooddiyey in haddii uu Madaxweyne Biixi ku raaci waayo goโaankooda ay wada-hallada ku joojinayaan, ay mooshin wada-hallada ka dhan ah horgayn doonaan galeyaasha baarlamaanka Somaliland.
“Arrintaasi waxay noo keentay in waddamadii na aqoonsan lahaa dib u joogsadaan, haddii uu Madaxweynuhu ku adkaysan waayona goโaan kaas baarlamaanka ayaanu horgaynaynaa, mooshin odhanaya hala joojiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddaanu soo baxnana waanu joojinaynaaโ ayuu yidhi Faysal.
โMadaxwaynuhu hadii uu ka laaban-waayo wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya waxaanu gayn-doonaa Baarlamaaka si ay uga laabtaan,” sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net