Muqdisho (SLpost)- Raโiisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay inay dalkaasi ka jrto xalad deg deg ah oo baniโaadaminnimo.
Raโiisal-wasaaraha ayaa hadalkan ku baahiyey bartiisa Twitterka. Waxa uu sheegay inuu tallaabadan u qaaday sababo la xidhiidha abaaraha waddanka ku dhuftay.
Waxa uu Ra’iisal-wasaare ku baaqay kaalmo dibedda iyo gudaha labada ka timaadda si dadka abaaruhu saameeyeen loogu gurmado.
Qaramada Midoobay ayaa tododbaadkan sheegtay inay abaartu saamaysay 80% dalkaasi Soomaaliya kadib markii saddex xilli oo isku xigta la waayey roobabkii.
Our country is in a state of humanitarian emergency. I call upon all Somalis,business people, religious leaders, the diaspora & the international community to make concerted efforts to significantly contribute to mitigate the suffering of those affected by the drought.#Somalia pic.twitter.com/yeVyMoJeQT
โ Mohamed Hussein Roble (@MohamedHRoble) November 23, 2021
Hayโadda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsa Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay in xaaladda abaaruhu kasii dari doonaan bisha December ee soo socota iyo saddexda bilood ee ugu horreeya sannadka 2022-ka.
Abaarta ayaa la sheegay inay si daran ugu dhufatay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana gobollada ay si ba’an u saamaysay ka mid ah gobollada Jubbada Hoose, Gedo, Hiiraan, Bay iyo Bakool.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net