[H]argeysa (SLpost)-Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Jamhuriyadda somaliland Mud, Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa maanta war-baahinta uga waramay falkii ay dablay hubaysani Saaka Salaadii Subax ay kula kaceen Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex C/Rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan).
Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane, Maxamed Nuur Caraale ,waxa uu sheegay In Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Durraan, Laba nin oo hubaysani ay soo weerareen waaberigii saaka ka dibna ay toogteen dhaawacna ay u gaysteen.
Waxaanuu wasiirku xusay in falkani uu yahay mid dhibkiisa iyo fool-xumadiisaba leh,Waxa uu Wasiirku xusay inay aaminsan yihiin in Masโuulkaas Qaran lagu Waxyeeleeyay xilkaย qaran ee uu ummadiisa u hayo.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Dhaawaca soo gaadhay Gudoomiyaha uu yahay dhaawac aad u sah-lan,oo kasoo gaadhay hal xabbo ku dhacday,isla markaana meel sah-lan kaga dhacday.waxaana uu ilaahay uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
Wasiirka oo ka hadlayey cidda falkan fulisay waxa uu sheegay, in sida ay warka ku hayaan ay laba qof oo hubaysani fuliyeen weerarkaas lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobalka maroodijeex Rashiid Duraan, raadkoodiina la hayo, isla markaana ay baadhistii socoto.
Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale โDuurโ, waxa uu shacabka u jeediyay in ammaanka iyo nabad-gelyadu ay yihiin Dallad la wada hadhsanayo, taasina ayย tahay ta Somaliland ku soo caano maashay , wasiirku waxa uu Bulshada ku booriyay in wixii dhaca Loo daayo lagana dhawro natiijadiisa hay’adaha amniga.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio:http://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2012/06/WASIIRKA-ARRIMAHA-GUDAHA.mp3|titles=WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA]
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net