[H]argeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caawa Dhambaal Tacsi ah u dirtay dawladda iyo Shacbiga dalka Kenya oo ay ka tacsiyadeysay geeridda Wasiirkii Amniga Kenyaย George Saitotiiyo Ku xigeenkiisiย Orwa Ojode, oo labaduba shalay ku dhintay shil-diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caawaย ย u waramayay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka tiiraanyaysan tahay geerida Wasiirkii Amniga Kenya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhiย โAnigoo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland waxaanu ka tiiraanyaysan nahayย ย geeriddaย ย Wasiirkii Amniga Kenyaย George Saitotiย iyo Ku xigeenkiisiย Orwa Ojodeย ooย ย maanta ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay galbeedka dalkaasi.โ
ย โXukuumadda Somaliland waxay dhambaal Tacsi ah u diraysaa dawladda iyo shacbiga Kenya, waxaanu Wasiirka amniga ee geeriyooday ka mid ahaa saaxiibadda Somaliland. Isagoo hore u ahaa Madaxweyne Ku xigeen, isla markaana muddo ku sime ka ahaa Wasaaradda Arrimaha dibadda oo aanu shirar badan iskugu nimid oo aanu wada shaqaynay,โayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Wasiirka Khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi โWaxaanu dawladda Kenya u gudbinaynaa inaanu la qeybsanayno tiiraanyadda wasiirkoodii amniga iyo Wasiir Ku xigeenkiisii.โ
George Saitotiย wuxuu ahaa 66 jir, waxaanuย ย ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan dalka Kenya, iyadoo lagu waday inuu isu soo sharixi doono dhawaan madaxweynaha dalkaasi.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net