“Waar dadkii waa dhimanayaan ee waa in aynu wacyigelin u sameynaa, waa in…” – Guddoomiye Saleebaan

0

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa guddi wacyigelineed oo ka kooban xildhibaannada Golahaas u saaray khatarta cudurka COVID-19 oo xilligan faro-baas ku haya bulshada.

Guddoomiye Saleebaan oo shir-guddoominayey fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo loo qaybiyay Xeerka Aasaaska hayโ€™adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha Dawladda oo dhawaan ka soo gudbay Golaha wakiillada, ayaa ka hadlay khatarta uu xannuunku xilligan ku hayo bulshada oo uu sheegay inaanay u hoggaansamin digniinaha khatarta xannuunka laga siiyey.

“Dad badan ayaa diidan inay is talaalaan, dad badan ayaa diidan inay is-takooraan haddii xannuun ku dhaco.ย Waxaa loo baahan yahay in aynu wacyigelin sameyno.

Waar dadkii waa dhimanayaan ee waa in aynu wacyigelin u sameynaa, waa in warbaahinta aynu ka baahinaa wacyigelin la xidhiidha xannuunka Covid-19,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Guddoomiyaha Guddida Arrimaha bulshada waxaan farayaa in xildhibaanada inta ugu hadal karsan guddidiina aad u saarto wacyigelinta xannuunka safmareenka ah ee Covid-19,” ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net