(Soomaalidu waxayย tidhaahdaa–Ilaynย adhigu Quluxย Quluxda kama ilbaxoโDahir Riyaalle miyaanu ย ka ilbixin afartaย hareero fadhiya โoo ogayn in ay yihiin kuwii riday)
ย INOOGU QAYBIYA XISBIGAย UDUB-ย URURKAย DIMUQRAATIGA(UD)ย ย IYO ย UMMADA BAHAWDAY (UB), QOLABA INAY JECESHAHAY HA QAADATOโ
Waxaa runtii wax laga naxo ah–laga xishoodo—ย sharaf dhac iyo Dictatooriyadna ahย hadaladii ka sooย yeedhay Md Daahir Riyaalle Kaahin , Madaxweynihii hore ee Somaliland, oo xilligan ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ,05 June 2012 ,mar uu gurigiisa Shir jaraid ku qabtay,isagoo ka hadlayey Go,aankii Maxkamada Sare iyo sida uu u arko mustaqbalka Xisbiga UDUB ee uu Gudoomiyaha ka yahay Xilligan:
Haddaba waxaa si nasteexo leh ugu sheegayaa Md.Daahir Riyaalle Kaahinย ย qodobadan hoos ku qoran:-
- Md. Daahir Riyaalle waxaan ย si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqdo iska-casilaada Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waa sida kuu sharaf badan,waa sida ay UDUB ku badbaadi karto, waa sida u wanaagsan dhamaan bahweynta UDUB .
- Md. Daahir Riyaalle Kaahin โUDUB waxaad ku gaadhay/ ku noqotay Madaxweyne ku Xigeen iyo Madaxweyne—waad ka xoogsatay oo ka xoolaysatay โee maxaaย derajo kuugu hadhay oo aad ka doonaysaa, marna ha ku fekerin in aad mar kale ku soo noqoto Madaxweynenimada.
- Md.Daahir Riyaalle Go,aanka Maxkamada Sare sidii aad doonto uma macneysan kartid,ee Maxkamada ayaaย macnaysay,ee waa in aad u hogaansantaa.
- Md.Daahir waa in aad fahantaa in aadan weli ahayn Madaxweyne,ee aad tahay Gudoomiye Xisbi Mucaarid ah, mana lihid awood aad Xisbiga cidii aad doontana ka eryi karto cidii aad doontana aad ku darsan karto.
- Md.Daahir kuwa ku hareero fadhiyaa waa kuwiiย ku riday,ee kaa tuuray Madaxweynanimadii aad haysatay,mana filayo in ay dib Madaxweyne kuugu celin karaan,waa kuwii u sabab ahaa guul daradii UDUB ku dhacday Doorashooyinkii Madaxtooyada ee ugu dambeeyey,haddana waxba kugu tari maayaan ee iskaga fogoow.
- Md.Daahir Riyaalleย waxaa ย fiican in aad iska ilowdo hanjabaadaha aanย meela haysan ee maalin kasta oo aad hadasho aad ku celceliso,waxaana kuu sharaf badan in aad ku ekaato wixii Xeerka Xisbigu kuu ogol yahay oo keliya.
- Md.Daahir Riyaalle miyaadan ogayn in dhamaan Xafiisyadii Xisbiga UDUB ay xidhan yihiin,miyaadanย ogeyn in aad weyday Xafiis keliya oo UDUB leedahay oo aad Shir Jaraaid ku qaban kartaa โkana door biday in aad Gurigaaga maalin walba ka soo hadasho- meeday UDUB-ta aad ka hadlaysaa xagee bay joogtaa ?
Ugu dambayntii Md. Daahir Riyaalle Kaahin yaa xibin firfircoonย oo Xisbiga UDUB ahย ย โย Ma adiga oo 2 sanadood ee ugu dambeeyeyย Paris ku noolaa oo aan bixinย ย halย dollarย oo qaadhaankii UDUB ah,mise waxaa xubin firfircoon ah Jamal Cali Xuseen ooย UDUB siiyeyย ย ย saddex boqol oo kun oo dollar oo lagu howl geliyo Xisbiga UDUBโ runtii waa wax lala yaaboย sida aad u taqaan xubin firfircoonโ
Hadal iyo dhamaan Md.Daahir Riyaalleย loo kala tegi mayo UDUB,mana jirto cid aad ka eryi kartaa ,ma jirto cid meel kale aadaysaa ee soo qaado Majarafadaa oo dumi intaadaโ
ALLAAย MAHAD LEH
Abdi M .Saleiman(Mingiste)
Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB