Waxa farxad noo ah in Majalladda WEEDHSAN muddo kooban ku qaan-gaadho, islamarkaasna uu Tirsigii saddexaad hal mar xalay ka soo wada baxo Paris, London, New York, Sydney, Dubai iyo Hargeisa.
Waa markii koowaad ee Warbaahinta mandaqaddu ku dhaqaaqdo tallaabo sidan ah oo ay dumiso xuduudaha qaybiya qaaradaha kala geddisan. Horumarkani, wuxu ku suurta-galay dedaalka hawl-wadeennada warbaahinta kala geddisan eeย Weedhsan Corporation iyo dhiirrigelinta macaamiishayada oo aannu uga mahad-celinayno taageerada hagar-laโaaneed ee ay nagu garab galeen.
Weedhsan Magazine waxa uu soo baxaa bishiiba hal mar, waxaanu xambaarsan yahay falanqaynta qalinleyda foolaadka ah, xogo, warbixinno, waraysiyo khaas ah iyo qoraallo kale oo xiise badan.
Faahfaahin dheeraad ah, booqo www.weedhsan.com ama wac 4410173, 4195585, 4160271, 4444705.
Mustafa Sh. Cumar Geeddi
Editor In-Chief
Weedhsan Corporation