Taipei (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka Taiwan, ayaa xukuumadda dalkaas ugu baaqay in la beddelo magaca ay ku hawl-galaan Safaaradaha iyo xafiisyada dibloosiyadeed ee ay ku leeyihiin 91 waddan oo Adduunka ku yaalla si loo muujiyo madax-bannaanida iyo jiritaanka Qaranimo ee Taiwan.
Xildhibaan Chiu Chih-wei iyo Hsu Chih-chieh oo Xisbiga talada dalkaas haya ee DPP ku metala Golaha Baarlamaanka, ayaa arrintan kaga hadlay shir-jaraaβid oo ay ku qabteen Aqalka Baarlamaanka Taiwan oo loo yaqaano Yuan, kaas oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee Taipei.
Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Taipei Times, waxa ay xildhibaannadani Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan ugu baaqeen inay guddi heer qaran ah u xil-saarto ka-soo-talo bixinta iyo hirgelinta qorshahan.
Waddanka Taiwan oo hore uga tirsanaan jiray Dhul-weynaha Shiinaha oo u aqoonsan qayb ka mid ah dalkooda, ayaa ah waddan madax-bannaan oo Aqoonsi ka haysta in ku dhow 100 waddan oo caalamka ah marka laga reebo dalalka ay xidhiidhka leeyihiin ama dhaqaale ahaan ku tiirsan dalweynaha Shiinaha.
Sida Wargeysku qoray, Safaaradaha dalka Taiwan ku leeyahay waddamada caalamka ee cilaaqaadku ka dhexeeyo, ayaa ku hawl-gala magaca Republic of China (ROC) marka laga reebo xafiiska dibloomasiyeed ee dalkaasi ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo badhtamaha sannadkii hore xadhigga laga jaray, kaas oo magaca uu sitaa yahay magaca dalka Taiwan ama Taiwan Representative Office.
βXafiis-wakiileedyada Qarankani waxay intooda badani ku magacaaban yihiin Xafiisyada Ganacsi iyo Dhaqan ee Taipei (Taipei Economic and Cultural Offices), waxay muddo badan siteen magaca caasimadda halkii ay ka sidan lahaayeen magaca dalka,β sidaa waxa shirka jaraaaid ka sheegay Xildhibaan Chiu Chih-wei.
Waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in magacyada xafiisyadaasi lagu beddelo magaca Dalkooda si ay uga tarjumaan madax-banaanidooda iyo baadi-goobka ay ugu jiraan Aqoonsi Caalami ah, waxaanu yidhi, Β βWaa in xafiisyadan magaca laga beddelaa si ay u muujiyaan inay Taiwan tahay qaran madax-bannaan oo iskii isku maamula oo doonaya Aqoonsi Caalami ah. Waa in la beddelo dhammaan magacyada xafiisyada dibloosiyadeed ee Taiwan oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka iyo Japanβ.
Xildhibaanku waxa uu dooday inay xilligan adduunka ka jirto Dabayl siyaasadeed oo wadata isbeddel togan oo taageero u ah danaha dalka Taiwan, sidaas awgeed looga baahan yahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay ka faaβidaysato fursadaha ku lammaan.
Mudane Hsu Chih-chieh ayaa ku baaqay in la beddelo magacyada xafiisyada ay ku leeyihiin dalalka Yurub iyadoo laga faaβidaysanayo fursadaha ku jira Qaraar dhawaan ka soo baxay Baarlamanka Midowga Yurub oo lagu goβaamiyey in la xoojiyo xidhiidhada Dalalka Midowga Yurub iyo Taiwan.
Waxa uu mudane Hsu soo jeediyey in la beddelo magacyada xafiisyadooda dalalka Yurub oo laga dhigo si la mid ah Xafiiska dibloosiyadeed ee Taiwan ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida uu qoray Wargeyska Taipei Times, dhawaaqa ka soo yeedhay xildhibaannada waxa markii ka jawaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan oo mudaneyaasha uga mahad-celisay talo- soo-jeedintooda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan oo lagu magacaabao Joanne Ou ayaa sheegtay in kasta oo ay tixgelin siinayaan soo-jeedinta mudaneyaasha, kuna ammaanayaan, balse goβaanka lagu beddelayo magacyada ay sitaan xafiisyadooda dibloomasiyeed uu ku xidhan tahay oggolaanshaha waddanka uu ku yaallo.
βMagaca Xafiis-wakiileedka waxa lagu beddeli karaa oo keliya oggolaanshaha waddanka martida loo yahay,β Sidaas ayay tidhi Joanne Ou.
Somaliland ayaa noqotay waddanka kaliya ee uu ka furan yahay xafiis-dibloosiyeed oo sita magaca dalka Taiwan, marka laga reebo Xafiis kale oo dhawaan laga furi doono caasimadda waddanka Lithuania oo ku yaalla Bariga qaaradda Yurub.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net