Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday waxaan uga digayaa inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo gabadhayda” – Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (SLpost)- Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu laโ€™yahay gacanta Hayโ€™adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa ka hadashay xil ka qaadista lagu sameeyey Agaasimaha hay’addaas Fahad Yaasiin.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wareegto uu xalay soo saaray shaqada kaga joojiyey Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyey inuu wax ka ogyahay Ikraan Tahliil oo raq iyo ruux meel ay joogto la la’yahay, haseyeeshee, waxa go’aankaas ka horyimi oo diiday madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Hooyo Qaali Maxamuud oo warbaahinta la hadashay waxa ay ugu horeyn Raysal-waraahaha Soomaaliya uga mahadcelisay goโ€™aanka uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin, kaas oo ay ku tilmaantay inuu yahay goโ€™aan caddaalad loogu raadinayo gabadheeda.

โ€œWaxaan Raysal-wasaare Rooble uga mahad-celinayaa goโ€™aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaanan ka codsanayaa inuu hore usii wado caddaalad-u-raadinta Ikraan Tahliil,โ€ ayey tidhi hooyo Qaali oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil waxa farriin u dirtay madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya oo ay uga digtay inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo inanteeda.

โ€œMadaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor-istaago caddaaladda loo raadinayo gabadhayda oo aanu fiirin saaxiibtinimada ka dhaxeysa Fahad Yaasiin ee uu fiiriyo caddaaladda ay gabadhaydu u baahan tahay,โ€ Sidaas ayay tidhi Hooyo Qaali.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo hadalka Hooyadan