77 Ceel oo laga hirgeliyey Deegaanka Dhaboolaq iyo Bulshada oo ka dareen-celisya Wax-tarkooda

0

Hargeysa (SLpost)- Deegaanka Dhaboolaq oo ka tirsan Degmada Faraweyne ee gobolka Gobolka Marodiijeex, waxa maanta laga dhagax-dhigay Sagaal Ceel-biyood oo kharashka ku baxaya ay Waqfi ahaan ugu deeqeen Dadka qurbejoog ahi.

Ceelashan ayaa waxa deegaankaas ka dhagax dhigay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) iyo xubno kamid ah odayaasha deegaankaas, waxaanay ceelashani tirada guud ee deegaankaas laga hirgeliyey ka dhigaysaa 77 Ceel-biyood oo ay dad muxsiniin ahi ka hirgeliyeen deegaanka Dhaboolaq.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ah isku xidhaha mashaariicdan ceelasha lagu dhisaayo oo ka hadlay goobta laga dhagax dhigaayey ceelashan ayaa faah faahin ka bixiyey muhiimadda ceelashu u leeyihiin Dadka iyo Xoolaha, waxaanu tilmaamay in deegaankaasi yahay mid biyo badan oo Gu’ iyo Jilaal biyaha laga helo, isla markaana ay lacag yari ku baxayso qodista ceelasha laga hirgelinayo, sababtaasna ay u doorteen deegaankaas.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa sidoo kale sheegay in ceelashan ay hirgelinayaan dad muxsiniin ah oo waqaf ahaan Ceelashan ugu dhisaya waalidkood, madaama oo sadaqada ugu fadliga badani ay tahay waraabinta Noolaha, waxaanu halkaas uga duceeyey cid kasta oo Waqfigan la baxday.

Geestooda, odayaasha Deegaanka Dhaboolaq oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey dadka ceelasha Waqfiga u bixiyey iyo Sheekh Aadan Siiro oo kaalin weyn ka geystay hirgelintooda, waxaanay qireen in ceelashan ay kaga raysteen dhibka biyo-yaraanta oo ay sheegeen in si ay biyo u helaan ay dhibaatooyin kala kulmi jireen Dooxa Dhaboolaq oo ceelasha laga qoday.

https://www.youtube.com/watch?v=fFOHA5V0PvI

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net