Somaliland: Cudurka Covid-19 oo si lama filaan ah u Soo Laba-kacleeyey iyo Tirada Dad u geeriyooday

0

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay Shan qof gudaha dalka ugu geeriyoodeen Cudurka Covid-19 oo la sheegay inuu mar kale soo laba-kacleeyey.

In ka badan 180 qof, ayaa xannuunka laga helay saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadkan, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo maanta la hadlay warbaahinta.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

โ€Bishan aynu hadda ku jirno 140 ayaa xannuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd 27 qof, tii kasii horeysay 22 qof, markaa waxaan dareemi karnaa in uu kor-u-kac aad ahi jiro. Dhimashadu ilaa hadda waxay maraysa 5 qof,โ€ ayuu yidhi Wasiiku.

Wasiirka ayaa sheegay in Soo laba kaclaynta Caabuqa CoronaVirus uu qiyaas ahaan boqolkii Shan kor-u-kac ah sameeyay maalmahii u danbeeyey marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay.

โ€œMaalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa mid war-war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo,โ€ Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Sida ku xusan mareegta xogta xannuunka Covid-19 ee Somaliland, tirada guud ee dadka xannuunka laga helay ayaa gaadhaysa 4,608 qof oo 311 ka mid ahi u geeriyoodeen xannuunka, waxaana ka bogsaday 3,899 Qof.ย Guud ahaan Somaliland, 51,903 qof ayaa xannuunka iska baadhay.

Toddoobaadkii hore waxa guud ahaan dalka ka bilaabmay wejiga 3aad ee tallaalka ka hor-tagga caabuqa Coronavirus, kaddib markii horaantii sannadkan dalka laga keenay Tallaalka lagaga hortago cudurka Covid-19.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net