Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN ISMAACIIL XAAJI CABDI DUCAALE, oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoodayย (03.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, waxaana lagu aasay Maxuumka Magaalada Hargeysa.
Madaxweynhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.
Aamiin……………………Aamiin……………………….Aamiin
