Hargeysa (SLpost)- War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qurbejoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu shaaciyey wakhtiga uu qabsoomi doono Shirka Sannadlaha ee Qurbejoogga Somaliland.
Shirweynaha shanaad ee Qurbeejooga Somaliland oo sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘Xoojinta Doorka Qurbejoogga ee Horumarinta Dalka, ayaa loo muddeeyey inuu qabsoomo 29 ilaa 30-ka bishan August, waxaanu ku qabsoomi doona Hotel Grand Haddi ee Galbeedka magaalada Hargeysa.
War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey Warbaahinta SomalilandPost, ayaa u qornaa sidan:- “Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL wuxuu ku dhawaaqay qabashada Shir Sannadeedka 5aad ee Qurbajoogga Somaliland oo ku beegan maalmaha Axadda iyo Isniinta ee August 29-30 2021 kaasoo ka dhici doonaa Hudheelka Grand Hadi ee Caasimadda JSL ee Hargeysa.
Shirkan oo halku-dheggiisa sannadkan loo qaatay “Xoojinta Doorka Qurbajoogga ee Horumarinta Qaranka JSL,” wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista kaalinta ay qurbajooggu kaga jiraan dhismaha qaranka iyo horumarka JSL – dhinacyada maalgashiga dhaqaale, arrimaha bulshada, siyaasadda debadda & xidhiidhka caalamka, caqabadaha ku gedaaman doorka qurbajoogga, hagaajinta, isuduwidda guud ee heer qaran iyo siyaasadda arrimaha qurbajoogga Somaliland.
Shirkan oo loo agaasimayo si aad u heer sarraysa, ayaa waxaa ka soo qaybgalaya ku dhawaad 300 ergay oo bulshada xirfadleyaasha qurbajoogga Somaliland ee dalka ku sugan iyo xubno ka imanaya Jaalliyadaha qaarkood, ganacsatada qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday, bulshada ganacsiga, metelayaal ka kala socda ururada samafalka iyo tabarucaadka waxqabadka bulshada ee qurbajoogga ah, Jaamacadaha & bahda waxbarashada, hay’ado kaladuwan oo ay ka mid yihiin kuwa taageera maalgashiga iyo g ganacsiga guud ee maxalliga ah ama ka hawlgala Somaliland, wasaarado kala duwan iyo qaarka mid ah hay’adaha kale ee dawladda JSL, weftiyo caalami ah oo ka imanaya wadamo ka mid ah gobollada ay jaalliyadaha Somaliland ku badan yihiin ee caalamka iyo daneeyayaal kale.
Waxaa qayb ka ah barnaamijka shirka dood wadareedyo kala duwan oo dad waaya arag ah oo xeel dheerayaal ku ah mawduucyada ay ka hadlayaan ee ku salaysan ujeedooyinka khaaska ah ee loo qabanayo shirka, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo daneeyayaal kaleba ay daadihinayaan.
Doorka Shirkadaha Waxsoosaarka iyo Ganacsiga Guud ee JSL:
Waxyaabaha ku cusub Shir Sannadeedka 5aad ee Qurbajoogga Somaliland, waxaa ka mid ah inay si ballaadhan uga qayb qaadanayaan shirkado ganacsiyo kala duwan oo heerarkoodu kala duwan yahay ay ka mid yihiin shirkadaha waxsoosaarka dalka iyo kuwa hal abuurka fiican ee guulaystay la yimi dhinacyada waxsoosaarka kala duwan, tiknoolajiyadda, horumarinta adeegga iyo ama shaqo abuurka badan sameeyay kuwaasoo uga faa’idiaysan doonaa mudada uu shirkani socdo inay isku muujiyaan, ku soo bandhigaan ganacsigooda, ugana faa’iidaystaan fursado suuq gayneed.
Dhammaan xubnaha, shirkadaha iyo hay’adaha lagu martiqaaday shirka waxaa laga codsanayaa inay ku soo xaqiijiyaan ka soo qaybgalkooda ugu dambayn August 20, 2021.
Faahfaahin dheeraada, waxaad kala xidhiidhi kartaa Guddida Qaban-qaabada Shirka
Tell: 063 4403392, 4420509, 4826155, Email: 5thorganizer2021@gmail.com