Hargeysa (SLpost)- Wargeys wax ka qora Arrimaha la xidhiidha, Difaaca, Amniga Caalamka iyo dagaallada, ayaa War-bixin uu baahiyey wuxuu kaga hadlay Amniga guud ee Somaliland, sida Shacabka iyo Hayโadaha Amnigu iskaga kaashadaan ka hor-tagga kooxaha Xagjirka ah ee isku daya inay dhibaato ka geystaan gudaha Somaliland, sida kooxda Al-shabaab.
Wargeyska The Long War Journal, ayaa isbarbar-dhigay amniga ka jira Somaliland xilligan iyo khataraha ku gedaaman ee ay tahay inay ka feejignaato Somaliland, waxaanu Tusaale u soo qaatay isku dayo kooxo Al-shabaab ka mid tahay ku doonayaan inay Xarumo ku yeeshaan gudaha Somaliland.
Wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay fadhiisin ku leedahay Buuralayda Xuduudka Somaliland iyo maamul-goboleed Puntland ee Soomaaliya, halkaasi oo uu The Long War Journal tilmaamay inay Al-shabaab ka heshay fursad ay ku dhaqaqaaqi karto, maaddaama oo uu yahay dhul Qarfo ah oo aan Nidaamka Dawladeed si buuxda u wada gaadhin, taasi oo jirtana kooxda Al-shabaab isku dayayaan inay u soo gudbaan gudaha Somaliland, iyagoo doonaya inay Biriij ka dhigtaan Qabaaโilka halkaas dega oo ay qaarkood si uga soo horjeedaan Somaliland โDhanka bariga, Al-shabaab waxay dhab ahaan isku dayayaan inay Waddo ka dhigtaan Qabaaโilka sheegta in laga Takooray Dawladda Somaliland.โayuu qoray The Long War Journal, waxaanu intaa ku daray inay sidoo kale fursad ka raadsanayaan Murannada Somaliland iyo Puntland ku dhex mara deegaannada Sool iyo Sanaag.
Joornaalka wuxuu tilmaamay in Falal hore kooxaha Xagjirka ahi uga geysteen gudaha Somaliland, ay Dawladda iyo Shacabka Somaliland barteen Cashar ah inay isku xidhnaadaan, ishana ku hayaan wixii loo arko inay khatar soo wadaan โSaraakiisha Somaliland iyo cilmi-baadhayaasha madaxa-bannaan ayaa inta badan sheega wax ku -oolnimada sirdoonka Somaliland iyo xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada maxalliga ah, si looga hortago isku-dayga Al-shabaab ee ku aaddan inay gudaha u galaan magaalooyinka.โayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey inay jiraan isku-dayo kale oo Al-shabaab doonayso inay ku soo gasho Somaliland.
Wuxuu si faahfaahsan uga warramay xeelado kale oo kooxda Al-shabaab ku doonayso inay Somaliland ku soo gasho, laakiin taa beddelkeeda ay Somaliland ku jirto feejignaan xidhiidhsan Hayโadaha Ammaanka ilaa Shacabka.
Latest @LongWarJournal: #Somaliland is one of the most secure places in the Horn and indeed much of wider East Africa. But it’s not completely out of the woods yet from the threat of jihadism. The article is based on a recent trip I took to #Hargeisa. https://t.co/YEYg0Q1D6E pic.twitter.com/MST76V7vwi
โ Caleb Weiss (@Weissenberg7) August 11, 2021
โSomaliland oo aan weli la aqoonsan waxay xidhiidh Ganacsi iyo Mid diblumaasiyadeed la leedahay Imaaraadka iyo Turkiga, sidaasi darteed Dedaalladan waxay Somaliland u muujinaysaa nabadgelyadeeda, si u noqoto meel ka madhan Argagixiso,” sidaas ayuu Wargeysku ku yidhi warbixinta oo ahayd lafo-gur (Analaysis) uu sameeyey suxufilagu magacaabo CALEB WEISS oo dhawaan socdaal ku yimi Hargeysa, waxaanu xogta warbixintiisa ku duugan ugu daliishaday xog-waraysiyo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha ammaanka ee Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net