Magacyada Warbaahinta Caalami ah oo ay dowladda Itoobiya Dhinac-u-Xaglin ku eedaysay

0

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa ku eedaysay 10 ka mid ah warbaahinta caalamiga ah inay weerar ku yihiin dalkaas.

Dowladda Ethiopia waxa ay hayโ€™adahan warbaahineed oo kuwa dunida ugu magaca weyn ka mid ah ku eedaysay inaanay si dhex-dhexaad ah u tabinin wararka ku saabsan xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa dawladda Federaalka iyo Jabhadda Tigray-ga.

Hayโ€™adaha warbaahineed oo dowladda Ethiopia ka cabatay oo isugu jira Wakaalado wareed, telefishanno iyo Wargeysyo, badankoodana laga leeyahay waddamada reer Galbeedka, ayaa kala ah BBC, Al Jazeera, ย The Guardian,ย  Bloomberg,ย  Financial Times, ย Wall Street Journal, Washington Post, Reuters iyo ย France-Presse.

Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegtay in ay warka u dhigeen in dawladda dhexe ee Ethiopia iyo gobolka Tigraay ay yihiin wax u eg labada dal oo dagaalamaya, isla markaana ay warbaahintaasi marin-habaabiyeen warar ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia, kuwaas oo la xidhiidha dejinta iyo xasilinta gobolka Tigray.