Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaacisay inay dib u fasaxday duullimaadyada ay dalka ku iman jirtay shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Xukuumadda Somaliland ayaa goβaan ay soo saartay bishii April 2020-kii liisamada kala noqotay Shirkadaha Diyaaradaha Air Arabia iyo Flydubai oo labadoodu duullimaadyadii ay ku iman jireen Somaliland u joojiyey sababo la xidhiidha xannuunka Covid-19 oo xilligaas si xawli ah ugu faafayey dunida.
Labada shirkadood ayaa lagu eedeeyey inay u hoggaansameen goβaan dowladda Soomaaliya oo dabayaaqadii bishii March 2020 shaacisay inay xidhay hawada iyo madaarrada Soomaaliya, iyaga oo aan wax war ku soo war-gelin hayβadda Duullimaadyada Somaliland.
Maareeyaha hayβadda Madaarrada iyo Duullimaadyada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkadda AirArabia dib u bilaabayso duulliyaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland kaddib markii heshiis iyo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda iyo maamulka sare ee shirkadda Air Arabia.
Muuqaalka Hoose kaga bogo shir-jaraaβid oo maareeye Cumar Sayid kaga hadlay goβaanka xukuuumaddu xayiraadda ka qaadday shirkadda Air Arabia.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay toddobaadkii hore xayiraadda ka qaaday Shirkadda FlyDubai in kasta aanay jirin wax duullimaadyo ah oo shirkaddu wali ka bilowday dalka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net