Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca Woqooyi-bari kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn halkaas salaam kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka, waxana uu indho indheeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay halkaas ku soo bandhigeen dufcada maanta qalinjebisay.