Somaliland: Ciidanka Ilaaladda Xeebaha oo Digniin adag u diray Shacabka

0

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Iyo difaaca Badaha Somaliland, Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa digniin adag u diray dadka ku dhaqan deegaannada ku xeeran Xeebaha Dalka.

Taliye Xiirane waxa uu uga digay dadka deggan degaanada xeebaha Somaliland inay gacan ka siiyaan dadka ajaanibka ah dhoofinta sharci-darrada ah ee Duurjoogta iyo keenista waxyaabaha sharci-darrada ah ee hubku ka mid yahay.

Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay in cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay danbigaas la hor-geyn doono Sharciga oo ciqaabta uu leeyahay la marin doono haddii uu muwaadin yahay iyo haddii uu ajaanib yahayba.

Taliye Xiirane waxa uu faray dhammaan taliyayaasha saldhigyada ciidanka Booliska in ay fiiro gaara ah u yeeshaan dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah ee dhoofinta duurjoogta iyo soo-dejinta hubku ka mid yihiin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net