Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa sheegtay in sannad-dugsiyeedka soo socda ee 2021/2022 lagu fulin doono go’aan ay wasaaraddu hore uga soo saartay Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada ee dalka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa go’aan badhtamihii bishan ay soo saartay waxa ay Dirays u gaar ah oo ardaydu xidhanayso u jaan-goysay Dugsiyada Barbaarinta (KG), Dugsiyada Hoose, Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, iyadoo markii hore ay isku mid ahaan jireen diraysyada Dugsiyada Hoose iyo Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland maanta, waxa lagu sheegay inay tahay waajib qaran oo lagu fulinayo Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, haseyeeshee waxa ay wasaaraddu sheegtay inay tixgelin gaar ah siinayso waalidiinta aan awood-dhaqaale u lahayn inay dirayska ka beddelaan ubadkooda iyo ganacsatada iibisa maryaha laga farsameeyo diraysyadii hore.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Waxbarashada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:- “Ujeeddo: Midaynta Dirayska dugsiyada Waxbarashadu waa waajib qaran oo la fulinayo.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku iyadoo fulinaysa siyaasada iyo qorshayaasha horumarinta waxbarashada waxa aad ka warqabataan inay ku hawlanayd siddii loo fulinlahaa midaynta dirayska.
Hadaba waxaa mar labaad la xasuusinayaa ardeyda, waalidiinta iyo hawl wadeenada Waxbarashada in sanad dugsiyeedka 2021/2022 ardeydu soo xidhan doonaan dirayska cusub waxaa kale oo la tix galin doona ardayda xidhan dirayskoodii hore iyadoo loo eegayo duruufaha kala duwan ee soo socda.
KOW: Waalidiinta duruuf awgeed aan ardeyda sanadkasta u iibin Karin dirays cusub si ay ugu sii diyaariyaan dirayska cusub wakhtiga ugu horeeya ee ay awoodaan.
LABA: Ganacsatada haya midabada dirayskii hore si aan khasaare uga soo gaadhin.
SADDEX: tolmaha oo dib uga dhaca wakhtiga furitaanka dugsiyada, maryaha midabada qaarkood oo kala go’a.
Waxaa ardeyda iyo waalidiintaba lagu wargalinayaa in dirayska cusubi yahay ka rasmiga ee wax lagu dhigan doono qofka ay la kulanto duruufahaa aynu sarre ku xusnay waa inuu sida ugu dhakhsaha badan uga diyaar garoobaa.
Waxaa maamulayaasha goobaha waxbarasahada la farayaa in talaabo ku haboon laga qaadi doono dugsigii ay ku cadaato isagoo ardeyda ku qasbaya dirayskii hore ee laga guuray si togan iyo si tabanba.
Waxaa ardeyda, waalidiinta iyo masuuliyiinta goobaha waxbarashada lagu war-galinayaa in dharka ay ardeydu xidhanayaan yahay mid waafaqsan shareecada islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan isla markaana yahay mid guud ahaan asturaya hablaha midabaduna waafaqsanyihiin kuwa dirayska, sidoo kale waxaa lagu wargalinayaa in aaney jirin meel lagu bedelay dirayskii iyo midabkii hablaha dugsiyada sarre ee ka rasmigii yahay kay wasaaraddu hore usoo saartey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net