Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa Maanta Kala Diray Hawl-wadeennada iyo Gaadiidka Ka Shaqaynaya Wacyigelinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Gobollada Sanaag, Saaxil iyo Sool.
Hawsha Bixinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ayaa loo muddeeyey inay maalinta Khamiista oo ku beegan 11-ka March ka bilaabanto saddexda gobol ee Sanaag, Sool iyo Saaxil halka gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal ka bilaabmi doonto marka la soo gebo-gabeeyo hawsha qaybinta Kaadhadhka saddexda gobol ee hore.
Warkan oo faahfaahsan, kaga bogo Muuqaalka Hoose