Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa loogu baaqay inay ka hawl-gasho sidii ay u hirgelin lahayd isla markaana u dhisi lahayd Ciidanka Difaaca Cirka ee dalka.
Cabdilaahi Axmed Maxamed (Dahab) oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI oo warbaahinta kula hadlay magaalada maanta, ayaa soo jeediyey inay Xukuumaddu aasaasto Ciidanka Difaaca Cirka si la mid ah Ciidammada Dhulka iyo kuwa Badda.
Cabdillaahi Dahab waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii ay Somaliland yeelan lahayd Ciidan difaaca Hawada dalka maadaama ay jiraan waddamo Soomaaliya ka mid tahay oo inta badan sheegta maamulka hawada ee Somaliland
“Waxaan u arkaa in la gaadhay xilligiii aynu yeelan lahayn ee ay Xukuumaddu ku dhiiran lahayd dhismaha Ciidanka Cirka,” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Cabdillaahi Dahab, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay inuu ku dhiirrado hirgelinta qorshahan.isagoo hadalkan ku adkeeyey Madaxweynuhu in uu ku dhiirrado arrintaasi.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net