Hargeysa (SLpost)- Macadka Horizon oo fadhigiisu yahay magalaada Hargeysa, ayaa ka deyriyey hab-dhaqanka garsoorka Somaliland kula dhaqmo Qareennada madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Maxkamadaha dalka.
Horizon Institute waxa uu ugu baaqay guddiga sare ee Cadaaladda Somaliland inuu baadhitaan ku sameeyo go’aan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex, kaas oo shaqada lagaga joojiyey garyaqaanno ka hawl-gala maxkamadaha dalka.
Baaq uu u soo saaray Horizon Institute oo lagu faahfaahiyey arrintan, ayaa u qornaa sidan:- “Maanta, Horizon Institute waxa ay ugu baaqday Gudida Sare ee Caddaaladda Somaliland, oo ah hayโadda ka masuulka ah anshax marinta garsoorka, waa in ay u baadhaan sida ugu wanaagsan, iyagoon dibu uga dhacayn laba goโaan ee uu soo saaray Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa.
Cagajuglaynta Garsoorku ku hayo Qareenada Somaliland waxa ay Wiiqaysaa Sarraynta Sharciga, Horizon sidoo kale waxa ay ka codsatay Gudidu in ay ka qaadaan xayiraada uu saarey Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi laba qareen, oo ah in liisanka laga joojiyo Xamse Maxamuud Xassan iyo waaranka qabashada ee Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Burhaani), Agaasimaha Talosan Law Firm and Legal Services.
Labada goโaan ee ay riday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo qaabka loo gaadhay goโaankaas, waxa ay abuurayaan suโaalo culus oo ku saabsan xaaladda garsoorka. Goโaanadaasi waxa ay xakamaynayaan xorriyaddii qareenadu ay kaga hadli lahaayeen arrimaha danta u ah bulshada, in ay maxkamadda sharciga ah ku matalaan dadka ay u adeegayaan iyo in ay cabbiraan fikirkooda, xuquuqdooda kuwaas oo dhammaantood ay illaalinayeen Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland
Haddii hoggaanka garsoorku ka doonayaan dadweynaha, iyo qareenadu in ay rumaystaan in caddaaladi ka jirto Somaliland, isla markaa la ixtiraamayo Dastuurka iyo xeerarka, waa in ay xaqiiqadan ku muujiyaan tallaabooyinka, goโaanada iyo xukunada ay gaadhayaan.Labadan goโaan ee ay gaadhay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ee ay indhaha ka qarsatay xuquuqda dastuuriga iyo xuquuqda sharci ee qareenada iyo dadweynaha, waxa ka dhalanaya hadaf dhab ahaantii ka soo horjeeda kii la doonayey in la gaadho. Saameynta ay leedahay waa in lagu abuuro cabsi, laga niyad jabiyo dadka in ay maxkamadaha u adeegsadaan goob ay si nabdoon ugu xalliyaan khilaafaadkooda, waxana ka dhalanaysa in ay u arkaan in Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex dhab ahaantii uuna rumaysnayn sarraynta sharciga.
Gudida Sare ee Caddaaladdu waxa ay u baahan yihiin in ay qaadaan tallaabo cad oo degdeg ah si ay farriin culus ugu diraan dadweynaha in garsooreyaasha aan loo ogolayn in ay indhaha ka qarsadaan Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay baaqa ka soo baxay Horizon Institute.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net