Madaxweynaha Somaliland oo Go’aamiyey Dhaqan-galka Wakhtiga Rasmiga ah ee Qabsoomidda Doorashada

0

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa wareegto uu maanta soo saaray si rasmi ah ugu dhaqan-geliyey muddada loo cayimay qabsoomidda doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo loo asteeyey 31-May 2021-ka, kaddib markii Golaha Guurtidu ansixiyeen in doorashada lagu qabto muddadaas.

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn shalay ka yeeshay is-waafajinta go’aan uu Goluhu hore u soo saaray iyo muddada Guddiga Doorashooyinka shaaciyeen oo is-khilaafsan, waxa ay isku raaceen in doorashada lagu qabto Xilliga ugu habboon ee Guddiga doorashooyinku diyaariyaan qabsoomiddeeda.

Madaxweynaha Somaliland

Guddiga Doorashooyinka ayaa 16-kii January madaxweynaha u gudbiyey inay qabsoomidda doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka u muddeeyeen 31-ka May, haseyeeshee kulan kale oo 17-kii January madaxtooyada ku dhexmaray hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran iyo madaxweynaha, ayaa lagu soo jeediyey in lays-waafajiyo muddada guddiga Doorashooyinku cayimeen iyo muddo-kordhin Golaha Guurtidu 24 November 2019 u sameeyeen Golaha Wakiillada, taas oo xilli-dhammaadkeedu ku egyahay 25 November 2021-ka.

Haddaba, madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr. 12/022021 waxa uu ku meel-mariyey sharcinimada muddada loo cayimay qabsoomidda Doorashada maadaama oo hay’adihii sharciyaddeeda ku shaqo lahaa go’aan isku mid ah ka soo saareen.

Wareegtada madaxweynaha ee lagu shaaciyey dhaqan-galka muddada loo cayimay doorashada, ayaa u dhignaa sida hoos ku xusan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland