Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

0

 

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale Dhaqan-geliyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Dhismaha Guddiga Tacliinta Sare iyo Hay’adda Diiwaanka Sakada 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo saaray Saddex Xeer oo uu ku dhaqan-geliyey aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey Xeerar Dhismaha Guddiga Tacliinta Sare iyo Xafiiska Diiwaanka Sekada.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xeer madaxweyne ku-dhaqan-geliyey wax-ka-beddelka dhismaha Xafiiska Diiwaanka Sekada oo hore u ahayd hay’ad madax-bannaan balse hadda la hoos-geeyey Waasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland maanta oo uu ku dhaqan-geliyey Xeerarkan, ayaa qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeerar Madaxweyne oo summadeedu kala yihiin JSL/XM/XM/249-611/012021, JSL/XM/XM/249-612/012021 iyo JSL/XM/XM/249-613/012021 uu ka soo saaray xeerka Dhismaha Guddida Tacliinta Sare, xeerka Aas-aaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha iyo Xafiiska Diiwaanka Sekada.

Waxaanay u dhignaayeen Xeerarka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/012021

Dhismaha Guddida Tacliinta Sare

Markaan Arkay: Qodobada 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 63 (3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 iyo Qodobka 28aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in la helo Tacliin Sare oo tayo leh oo soo saarta aqoon yahan ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda, caddaaladda, arrimaha bulshada iyo dhismaha dawladnimada;

Markaan Dersay: Muhiimadda ay leedahay in qaranku yeesho hay’ad dawli ah oo u xilsaaran diiwaan-gelinta, ruqsad siinta, kormeerka iyo dabagalka goobaha tacliinta sare ee dalka, si loo helo waxbarasho sare oo tayo leh oo casri ah;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad
Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare waa Hay’ad Dawli ah oo leh jiritaan qaanuuni ah, waxaana ay ka masuul noqonaysaa maamulka, maaraynta iyo ilaalinta tayada Tacliinta Sare, si waafaqsan qorshaha waxbarashada Qaranka.

2) Si ay u gudato hawlaheeda shaqo. Guddida Tacliinta Sare waxa ay yeelanaysaa Qaab-dhismeed Hay’adeed oo madax-bannaan iyo miisaaniyad u gaar ah, waxaana uu hawlihiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka Dalka.

3) Guddida Tacliinta Sare, waxa ay wada shaqayn dhaw kala yeelanaysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska arrimaha la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta siyaasadaha Tacliinta Sare,

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Guddida tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. sidoo kale Guddidu waxay ku wargelinaysaa wasiirka hawlaha ay u arkaan inay ku jirto danta qaranka ee la xidhiidha tacliinta sare.

Qodobka 2aad
Ujeeddooyinka Dhismaha Guddida Tacliinta Sare

Ujeeddooyinka loo aas-aasaay Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) In la helo hay’ad dawli ah oo Qaranka uga Masuul noqota diiwaan-gelinta, maamulka iyo kormeerka iyo sidoo kale hubinta tayada xarumaha waxbarashada tacliinta sare ee dalka, si waafaqsan nidaamka waxbarashada Qaranka iyo Xeerka Tacliinta Sare.

2) In la dhiirigeliyo xarumaha Waxbarashada Tacliinta Sare, si loo helo xarumo bixiya aqoon dhiirrigelisa koboc dhaqaale, caddaalad, xil-kasnimo iyo qiimeynta aayaha nabadda.

3) In la dejiyo siyaasado iyo qorshe hawleed lagu horumarinayo tacliinta sare si loo helo waxbarasho sare oo jaban oo la wada awoodi karo, loona daboolo baahida waxbarashada sare ee dalka.

Qodobka 3aad
Qaab-dhismeedka Guddida Tacliinta Sare

1) Guddida Tacliinta Sare waxa ay ka koobnaanaysaa 7 xubnood oo kala ah;

a) Guddoomiyaha Guddida,
b) Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida,
c) Shan (5) xubnood oo kale,
d) Agaasime Guud, iyo
e) Waaxaha & Shaqaalaha kale ee lagama-maar-maanka u ah xil-gudashada Guddida.

2) Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha kale iyo Agaasime Guud ee Guddida Tacliinta Sare waxa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 90aad ee Dastuurka.

Qodobka 4aad
Shaqada Guddida Tacliinta Sare

Shaqooyinka Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Diyaarinta siyaasadda iyo qorshaha Qaranka ee Tacliinta Sare ee xarumaha tacliinta sare ee Dawladda iyo xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ansixinaya Golaha Wasiirrada.

2) Diyaarinta siyaasado qeexaya shuruudaha looga baahan yahay hirgelinta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

3) Diyaarinta iyo hirgelinta nidaamka hubinta tayada waxbarshada tacliinta sare ee la xidhiidha abuuridda jaamacadaha, kulliyadaha, diiwaangelintooda iyo nidaamka dejinta manaahijta waxbarashada tacliinta sare, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

4) Diyaarinta hab-raacyada iyo shuruudaha ay xarumaha tacliinta sare ku bixin karaan shahaadooyinka waxbarashada tacliinta sare, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

5) Diyaarinta hab-raacyo lagu xaqiijinayo hannaanka maamul-wanaagga iyo qaab-dhismeedka maamulka ee tacliinta sare, si loo sugo heerarka tayada ee xarumaha tacliinta sare ee dalka, iyagoo la kaashanaya Wasaaradda Waxbarshada.

6) Ka talo siinta xukuumadda hirgelinta Jaamacadaha Dawladda, ka dib marka ay sameeyaan qiimaynta baahidaasi.

7) Hirgelinta nidaam midaysan oo kor u qaadaya Maamulka Jaamacadaha iyo Kulliyadaha bixiya waxbarasho ku salaysan barnaamij tacliin sare.

8) Bixinta ruqsadaha, cusboonaysiinta iyo kala noqoshada ruqsadaha xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

9) Ogolaanshaha iyo ansixinta codsiyada dhismaha iyo hirgelinta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay ee ay ka mid yihiin jaamacadaha iyo kulliyaduhu.

10) Ogolaanshaha iyo ansixinta codsiyada lagu furanayo laamo iyo kulliyado ay gobollada dalka ka furanayaan xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

11) Qiimaynta iyo ansixinta koorsooyinka waxbarashada tacliinta sare ee ay u soo gudbiyaan xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay.

12) Dib-u-habeynta iyo qiimaynta xarumaha waxbarashada tacliinta sare iyo barnaamijyada waxbarashada, si ay uga jawaabaan baahiyaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

13) Xaqiijinta heerarka koorsooyinka waxbarshada iyo imtixaanada ee xarumaha tacliinta sare ee dalka.

14) Diyaarinta qorshaha guddida ee kormeerka iyo dabagalka jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

15) Dabagalka, kormeer iyo qiimaynta xarumaha tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay, si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta heerarka tayada iyo siyaadaha waxbarashada tacliinta sare.

16) Dhiirigelinta xidhiidhka xarumaha tacliinta sare, si looga wada faa’iidaysto khibradda iyo aqoonta, loona wadaago cilmiga iyo iskaashiga.

17) Ka talo siinta xukuumadda deeqaha kabka ee loo qoondaynayo jaamacadaha dawladda, si ay u daboolaan baahiyahooga iyo qiimaynta kharashaadka dawladda.

18) Qabashada shaqooyinka kale ee ku xusan xeerarka dalka.

Qodobka 5aad
Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Guddida

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare waxa ka mid ah;

1) Inuu socodsiiyo, isla markaana maamulo shaqooyinka uu u xil-saaran yahay ee Guddida.

2) Inuu metelo, kuna hadlo magaca Guddida.

3) Inuu guddoomiyo shirarka Guddida Tacliinta Sare.

4) Inuu soo jeediyo Miisaaniyadda Guddida Tacliinta Sare, markuu kala tashado Agaasimaha Guud ee Guddida.

5) Inuu diyaariyo, isla markaana u soo bandhigo Xubnaha Guddida qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Guddida Tacliinta Sare.

6) Inuu Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ka dalbado shaqaalaha, si waafaqsan Qorshaha Guddida Tacliinta Sare.

7) Inuu diyaariyo war-bixinaha iyo xisaab-xidhada Guddida Tacliinta Sare, una gudbiyo hay’adaha ay khusayso iyo Madaxweynaha.

8) Inuu saxeexo qoraallada rasmiga ah ee Guddida Tacliinta Sare.

9) Inuu xidhiidhiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Guddida Tacliinta Sare, iyo Hay’adaha Xukuumadda, Xarumaha Tacliinta Sare iyo daneeyeyaasha kale ee Tacliinta Sare.

10) Inuu abuuro jawi wada-shaqayneed oo u dhexeeya Guddida Tacliinta Sare iyo Hay’addaha kale ee Dawladda.

11) Inuu hirgeliyo xeer-nidaamiyayaasha ay soo saaraan Guddida Tacliinta Sare.

12) Inuu diyaariyo qaaab-dhismeedka waaxaha iyo qaybaha xafiiska komishanka, isla markaana ka ansixiyo Guddida Tacliinta Sare.

13) Inuu diyaariyo war-bixin sannadeed ku saabsan arrimaha Tacliinta Sare ee Dalka.

14) Inuu qabto shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha hawlaha shaqo ee Guddida Tacliinta Sare, si waafaqsan Xeerka Tacliinta Sare.

… Si aad u sii akhriso u gudub Page-ka 2aaad