Maxaa ka jira in Xukuumadda Somaliland Sannadkii hore $70 Kun ku Bixisay in laga difaaco Baraha Bulshada iyo Mareegaha Internetka?

0

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho โ€˜Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshadaโ€™, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda.

Warbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay โ€˜Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshadaโ€™.

Warbaahinta Somalilandchronicle waxay xustay laba ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka oo ay sheegtay in la siiyey Lacagta ugu badan, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad aan badnayn.

War-bixintan oo biyo-dhaceedu yahay in Xukuumaddu ku dedaalayso inay Gacanta ku dhigto Warbaahinta Madax-banaan si aan wax looga qorin Xukuumadda ayaa sheegtay โ€œArrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada..โ€ ayuu sheegay Somalilandchronicle oo soo xiganaya Ilo-wareedyo.

Somalilandchronicle waxay sheegtay inay la xidhiidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, si ay arrintan wax uga waydiiso, balse aanay suurto-gelin inay helaan.

@Geeska Afrika Newspaper