Tirada Suxufiyiinta Caalamka lagu dilay Sannadkii 2020

0

 

Hargeysa (SLpost)- Konton suxufi iyo shaqaale warbaahineed ayaa lagu dilay shaqadooda sanadkan sii dhamaanaya ee 2020, waxaanay dilalka Wariyeyaashan iyo Shaqaalaha Warbaahinta ay ka dhaceen inta badan dalal aan dagaal ku jirin, sida uu sheegay ururka Wariyeyaasha aan xuduuda lahayn ee (RSF).

Tirada guud ee saxafiyiinta laโ€™ dilay sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 ayaa waxyar ka yar sanadkii hor=e ee 2019-ka oo la dilay 53 Suxuf, inkasta oo RSF ay sheegtay in saxafiyiin aad uga tiro yar ay ka shaqeeyeen Mihnadan sanadkan cudurka COVID-19 awgiis.

Hase yeeshee dhibaataynta baโ€™an ee sanadkan ayaa muujinaya kororka bartilmaameedka suxufiyiinta baadha dembiyada abaabulan, musuqmaasuqa ama arrimaha deegaanka, ayuu yidhi ururkan la socda Suxufรญyiinta.

Sideetan iyo afar boqolkiiba (84%) dadka sanadkan ladilay โ€œsi ula kac ah ayaa loogu bartilmaameedsadayโ€ shaqadooda, RSF ayaa ku sheegtay warbixinteeda sanadlaha ah, marka la barbardhigo 63 boqolkiiba sanadka 2019.

Pauline Ades-Mevel, oo ah tifaftiraha guud ee RSF ayaa tidhi โ€œMuddo dhowr sano ah hadda, wariyeyaasha aan xuduuda laheyn waxay xustay in saxafiyiinta baadhitaanka ay runti kujiraan iskutallaabta dowladaha, ama kooxaha ka ganacsada daroogada ee gaysta dambiyada abaabulanโ€.

Mexico ayaa ahayd wadanka ugu dhimashada badan, waxaana ku xigay Ciraaq, Afghanistan, India iyo Pakistan. โ€œXidhiidhka u dhexeeya ka ganacsiga daroogada iyo siyaasiyiinta ayaa wali ah, iyo saxafiyiinta ku dhiirada inay soo tabiyaan arimahan ama kuwa la xdhiidha ayaa wali ah bartilmaameedka dilalka waxashnimada ah,โ€ ayaa lagu yidhi warbixinta RSF oo ururisa xogta sannadlaha ah ee weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta Caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net