Qaahira (SLpost)- War-bixin aan weli laΒ shaacin oo ay soo saareen GuddigaΒ Caalamiga ah ee cuna-qabataynta dalka Iiraan ku sheegeen inayΒ Iiraan hubka u gudbiso maamulka ka taliya dalka Suuriya.
Sida ay baahisay Wakaalada wararkaΒ ee Reuters, khubaro ka tirsan Guddigan ayaa war-bixin sir ah oo aan weli la shaacin ku sheegay in Dalka Suuriya isha ugu weyn ee uu hubka ka helaa ay tahay dalka Iiraan, taasina ay xad gudub ku tahay cuna-qabataynta Golaha amaanku uu ku soo rogay in wax hub laga soo waarido dalka Iiraan.
Guddiga cuna qabatayntaΒ Qaramada midoobayΒ oo khubaro ka tirsani soo diyaariseen warbixintan ayaa marka horeΒ dib u eegis ku samayn doona ka hor inta aanay u gudbin Golaha Ammaanka.
Ilaa wakhtigan lama cayimin waqtigaΒ war-bixintanΒ ay guddiga cuna qabatayntu soo diyaariyeen u gudbi doonto Golaha ammaanka iyada oo dalka Ruushku uuΒ kal horeΒ is-hortaagay in war-bixintan la gudbiyo.
Dhanka kale, Ururka Jaamacada Carabta ayaa si adag u canbaareeyey Goβaan guddiga maaliyadda ee golaha baarlamaanka dalka IsraaβiilΒ ku qoondeeyeen in miisaaniyada dalkaasi loogu daro 24 Milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu hawl-galo degaamayntaΒ sharci darrada ah ee israaβiil ka waddo dhulka Falastiin.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud eeΒ Jaamacada Carabta ee Arrimaha Falastiin iyo dhulka Carbeed ee Israaβiil haysato Maxamed Sabiix, ayaa canbaareeyey qaraarkaasi Golaha baarlamaanka Israaβiil, waxaanu xukuumadda Israaβiil ku tilmaamay inay tahay mid isu haysata inay qaanuunka ka sarayso.
Maxamed Sabiix sheegay in degaamayntu ayΒ tahay sharci darro aan la aqbali Karin isaga oo xusay inay dacwad arrinta ka dhan ah u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga.
Waxa uu Maxamed Sabiix intaa ku daray in degaamaynta Israaβiil ay waddaa ay caqabad ku tahay dhabbaha nabad lagu gaadhi lahaa iyo dedaalada nabad-raadinta.
SLpost News